5/25/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 4 , 2021
Doorashada Kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabeelle oo maanta lasoo gabagabeeynaayo
 

Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo doorashada kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Senatarada ku matalaya Hirshabeelle oo labadii kursi ee ugu dambeysay sideeda kursi ee Hirshabeelle doorashadooda maanta dhici doonto magaalada Jowhar.

Labada kursi ee maanta lagu dooranaayo magaalada Jowhar ayaa waxaa ku tartami doono ilaa shan Musharax, waxaana kursiga koowaad ee maanta ku wada tartami doono Musharaxiinta kala ah, Cali Shacbaan Ibraahin , Cabdiqaadir Xanafi Sheekh Bashiir iyo Cabdalle Cabdi Xuseen, waxaana xusid mudan in kursigan doorashadiisa horay u fashilantay oo lagu kala tagay xili habeen ah oo ay doorashadiisa socotay, hasa ahaatee maanta ayaa markale doorashadiisu dhacaysa.

Kursiga labaad ee maanta doorashadiisa ka dhaceyso Jowhar waxaa isna ku tartami doona laba Musharax oo dumar ah kuwaas oo kala ah Naciimo Ibraahin Yuusuf iyo Samsam Cabdullaahi Axmed.

Waxaa sidoo kale jirta in laba kamid ahaa musharixiinta Aqalka Sare ee ku tartami lahaa kursiga labaad ee ah kan haweenka kaliya maanta ku tartamayaan inay ku dhawaaqeen inay isaga hareen tartanka, kuwaas oo kala ah Maxamed Axmed Kulmiye iyo Abuukar Xasan Cali Maqaneey.

Doorashadaan ayaa hadii maanta ay soo gabagabowdo Hirshabeelle ka dhigeysa iney soo dhameystirtay doorashada kuraasta Aqalka sare ee Hirshabeelle Senatarada uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/4/2021 3:46 PM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Adeegyada baraha bulshada ee Facebook, WhatsApp iyo Instagram ayaa muddo saacado ah hawada ka maqan, kadib markii ay cilado soo wajaheen.

10/4/2021 12:39 PM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Lafta-gareen, ayaa u magacaabay guddi ku meel-gaar ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Koonfur –galbeed, kuwaas oo si sharci -darro ah iyo xoog ah ee Somaliland ugasoo saartay magaalada Laascaanood.

10/4/2021 12:17 PM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe lagu soo gabagabeeyay doorashada laba kursi oo ka harsaneyd sideeda kursi ee kuraasta Aqalka sare Senatarada ku matalaya Hirshabeelle Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

10/4/2021 9:48 AM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Saraakiisha ugu saraysa ciidamada Somaliland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in howgalka lagu masaafurinayo dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, uu yahay howlgal lagu sugayo amniga magaalada Laascaanood.

10/4/2021 8:11 AM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ka horyimid habka ay xukuumada Somaliland u tarxiishay dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ee ku dhaqnaa magaalada Laascaanood.

10/4/2021 7:54 AM EST
Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Qaar kamid ah odayaasha degmada Laascaanood, oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in aan lagala tashan masaafurinta dadka reer Koonfur Galbeed, isla markaana, anay ku qanacsanayn habka loo maamulay tarxiilka bulshadaa.

10/4/2021 7:10 AM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa goordhaw u duulay magaalada Doha ee dalka Qatar, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Raysal wasaaaraha Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

10/4/2021 5:55 AM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan caleemasaarka dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.

10/4/2021 5:51 AM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka dowladda federalka Soomaaliya, Xaniifa Xaabsade, ayaa magaalada Muqdisho ku daahfurtay olole loogu magac daray 'GACALO GABADHEYDAAY' oo ah wacyi galin loogu talo galay joojinta gudniinka gabdhaha.

10/4/2021 3:00 AM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Puntland ayaa dib u dajin kumeel gaar ah u sameysay boqolaal qoys oo ay Soomaliland kasoo tarxiishay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

10/4/2021 1:32 AM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Madaxaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw u duulay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.