4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 4 , 2021
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo goordhaw u duulay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya
 

Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Madaxaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw u duulay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah madax kala duwan oo lagu casuumay ka qeybgalka Caleema saarka Raysal wasaaraha dalka Itobiya Abiy Axmed oo bishii june ee sanadkan ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalka Itobiya.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda u safray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan xafladda dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya" ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Safarka madaxweyne Farmaajo ee dalka Itoobiya uu saaka ku aaday ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dal dibadda ah ugu ambabaxo, tan iyo wixii ka dambeeyay 25 April ee sanadkan oo qalalaaso iyo iska hor imaadyado ay ka dhaceen magaalada Muqdisho oo sababay inuu ka laabto madaxweyne Farmaajo muddo kororsigii labada sannada ahaa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]