4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 28, 2021
Guddoomiye Cali Siciid Faqi : Dad siyaasiyiin ah ayaa igu soo qaaday weerar Islaanimadayda shaki lagu galinayo
 

Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Siciid Faqi, ayaa been abuur ku tilmaamay warar laga faafiyay oo uu sheegay in muslinimadiisa shaki lagu galiyay.

Guddoomiyaha barlamaanka Koonfur galbeed ayaa sheegay in ay dagaal kusoo qaadeen dad siyaasiyiin ah iyo kuwo kale oo uu ku sheegay in ay dhiiggiisa xalaal ka dhigteen.

Guddoomiye Cali Siciid Faqi, wuxuu sheegay in ay dadkaasi wareejinayaan muqaal uu leeyahay oo uu sheegay in lasoo jarjaray, laguna sheegayo inuu dhibaateeyay islaamka.

“Waxaa la igu tilmaamay inaan ahay Murtad, Cajalada la wareejinayo oo sida qaabka darran loo fasiray, waxay nuxurkeeda ahayd, islaamnimada sheegasho ma ahan,” ayuu yiri guddoomiyaha barlamaanka.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu inuu kasoo jeedo qoys islaam ah oo diinta aad u fahansan isla markaana xarumo diinta lagu barto ka furay magaalada Baraawe ee Shabeeladda hoose.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online