4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 28, 2021
Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor oo gaaray magaalada Guriceel
 

Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta gaaray magaalada Guriceel, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay uu dagaallo culus ku dhexmarayay ciiddamada maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna.

Madaxweynaha Galmudug ayaa halkaas kula kulmay masuuliyiin maamulkiisa katirsan iyo odayaasha deegaanka, isagoo kala hadlay amniga Guriceel iyo soo celinta dadka barakacay.

Socdaalka Qoorqoor uu ku tagay Guriceel ayaa kusoo aaday, iyadoo magaalada ay ku sugan tahay xaalad colaaddeed islamarkaana ay boqolaal kun oo qof ay ka barakaceen.

Magaalada Guriceel khasaare xoogan oo burbur leh, ayaa kasoo gaaray dagaalladii maalmaha socday ee Ahlusunna looga guulaystay in lagala wareego gacan ku haynta magaalada.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online