3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 28, 2021
Ururada mucaaradka Puntland oo isku bahaysanaya in ay la wareegaan talada saddexda degmo ee dhawaan doorashooyinku ka dhaceen
 

Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Ururada mucaaradka Puntland ayaa sameystay is-bahaysi ay ku doonayaan in ay kula wareegaan talada saddexda degmo ee dhawaan ay ka dhaceen doorashooyinka golayaasha deegaanka ee lasoo horumariyay.

Labada urur ee mucaaradka ah, Mideeye iyo Sincad ayaa wacad ku maray in ay meesha ka saaridoonaan ururka Kaah ee muxaafidka ah, kaasoo helay codadka ugu badan doorashada saddexda degmo.

Midowga labada urur ayaa ka dhigan in ay haystaan codad aqlibiyad leh oo ka caawinaya in ay ku guulaystaan guddoomiyayaasha degmooyinka Qardho iyo Ufayn, halka Eyl-na loo badinayo Kaah oo haysta codad ku dhow aqlibiyad, si uu ugu guulaystay duqa Eyl.

Guddiga doorashada Puntland ayaa laga sugayaa inuu shaaciyo jadwalka doorashada guddoomiyayaasha saddexda degmo, inkastoo maxkamadda sare laga sugayo in ay meel mariso doorashada.

Puntland, waa markii ugu horraysay oo ay qabato doorashooyin nuucaan ah, iyadoo horey loogu fashilmay isku day nuucaan oo kale ah sannadkii 2013, xilligii maamulkii Cabdiraxmaan Faroole.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/28/2021 1:13 PM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Siciid Faqi, ayaa been abuur ku tilmaamay warar laga faafiyay oo uu sheegay in muslinimadiisa shaki lagu galiyay.

10/28/2021 12:55 PM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, oo maanta laga saaray xisbiga Kulmiye oo uu hore uga tirsana, ayaa talaabada xisbiga lagaga saaray ku macneeyay talo xumo, waraysi uu BBC Somali siiyay.

10/28/2021 12:32 PM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta gaaray magaalada Guriceel, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay uu dagaallo culus ku dhexmarayay ciiddamada maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna.

10/28/2021 9:42 AM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Wareegto uusoo saaray xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa xisbiga lagaga caydhiyay siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, oo isaga oo ka tirsan xisbiga hadana xil guddoomiyenimo u doontay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

10/28/2021 9:12 AM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland qaybta saldhiga xaafada New Hargaysa ee magaalada Hargaysa, ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo hab casri ah dadka ugala baxa lacagta ugu jirta telefoonada gacanta, kuwaasi oo lacag dhan $7000 ka dhacay dirawal tagsiile ah oo ka shaqeeya Hargaysa.

10/28/2021 7:49 AM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay tan iyo markii ay isaga baxeen degmada Guriceel sababahii ay uga baxeen, kadib afar maalmood oo xariir ah ay ka dhex dagaalamayeen ciidankiisa gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

10/28/2021 3:31 AM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa markii ugu horeysay ka jawaab celiyay eedeyn dhawaan kaga timid hogaanka sare ee Ahlu Sunna Waljameeca, taasoo aheyd in ciidamada AMISOM ay ka qeyb qaateen dagaaladii dhawaan ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

10/28/2021 1:47 AM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Maamul goboleedka Puntland ayaa iska fogeeyay inuu wax lug ah ku leeyahay colaadda ka jirta magaalada Guriceel ee u dhaxaysa mamulka Galmudug iyo urur diimeedka Ahlusunna Waljamaaca.

10/28/2021 1:31 AM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa.