4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 28, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay inuu joojiyay heshiis kaste oo sharci darro ah oo lagu bixiyay dhulka dowladda
 

Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu baaritaan ku bilowday dukumenti sharci darro ah oo loo sameystay dhulalka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay.

Iyadoo la tixgelinayo xilligan dalku uu u jiheystay doorashada, wuxuu madaxweynuhu sheegay inuu mamnuucay bixinta ruqsad ku saabsan isticmaalka si kumeel gaar ah ama abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Soomaaliya.

Wuxuuna madaxweynuhu sheegay masuulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud, in uu qaadayo masuuliyadda ka dhalata ku takri-falka hantida shacabka Soomaaliyeed.

Go’aankan kasoo baxay madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu adkaynayo wareegtadii soo baxday 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud.

Hoos ka aqriso xeerka uu Madaxweyne Farmaajo soo saaray :-

1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa.

2. Maadaama Sharci Baarlamaanka Federaalku uu soo saaro ay xaddidi doonto baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalka dhulka Danta-guud, lama bixin karo ruqsad ku saabsan isticmaalka si kumeel gaar ah ama abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Iyadoo la tixgelinayo xilligan dalku uu u jiheystay doorashada, Masuulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud, waxa uu qaadayaa masuuliyadda ka dhalata iyo cawaaqibta sharci ee la xiriirta ku takri-falka awoodda, dayacaadda danaha Qaranka iyo musuqmaasuqa amaanada shacabka Soomaaliyeed.   

 4. Ma jiro muwaadin ama maalgashade sifo sharci ah looga iibin karo, looga kirayn karo, ama loogu hibeeyn karo dhulalka danta guud wixii ka danbeeyey 8-dii Febraayo, 2017, sida lagu caddeeyay wareegtadii kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha 18kii Jannaayo 2018.  Sidaas darteed dukumiinti iyo saxiix kasta oo arrinka la xiriira waxay ka dhigan yihiin sharci darro lagu muteysan karo ciqaab.

5. Xeerkan wuxuu adkaynayaa wareegtadii dhaqangalka ahayd ee soo baxday 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online