3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 27, 2021
Axmed Hussen oo loo magacaabay wasiirka guryeynta Canada
 

Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay golahiisa wasiirada oo ka kooban 38 wasiir oo kala bar ay dumar yihiin.

Golaha wasiirada ee uu magacaabay raysal wasaaraha dalka Canada waxaa markii sadaxaad kasoo dhex muuqday Axmed Xuseen Axmed oo Soomaali Canadain ah, kaasoo loo magacaabay wasiirka Guryenta kala duwanaanshaha iyo kawada qeyb galinta Canada.

Axmed Xuseen ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay dalka Canada, waxa uuna dalka Canada ku yimid qaxooti ahaan isaga oo 16 jir ah ka hor inta aanu qareen iyo lataliye u noqon Raysal wasaarihii hore ee dalkaasi Canada Ontario Dalton McGuinty.

Dad badan ayaa rumeysan in wasiiradaan cusub ay horyaalaan waxyaabo badan oo uu ugu horreeyo la tacaalidda xanuunka saameyay dalka Canada iyo guud ahaan Caalamka oo dhan ee COVID-19.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/27/2021 10:47 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta Maxkamada Gobolka Maroodijeex la hor geeyay kadib muddo 2 bilood iyo 16 cisho ah oo uu ku jiray xabsiga Madheera, waxaana la sheegay in loo akhriyay dacwadaha loo haysto, oo ay ugu horayso eedo ay soo gudbisay Jaamacada Barwaaqo.

10/27/2021 6:55 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Warbixin ay soo saartay hay’ad fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in Soomaalida ku nool caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ay dhawaanahan booliisku bartilmaameed ka dhigteen, taasoo ay ku sheegeen inay tahay olole lagu dhibaataynayo.

10/27/2021 3:20 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedayn uu madaxweynaha Puntland u jeediyay madaxweyne Farmaajo, taasoo ku saabsanayd, in madaxweynaha Soomaaliya uusan ka hambalyayn doorashadii “qof iyo cod” ee ka dhacday Qardho, Eyl iyo Ufayn.

10/27/2021 2:59 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - War saxafadeed kasoo baxay Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa waxay ku sheegeen iney ka walaacsan yihiin dagaalada ka socda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

10/27/2021 2:51 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Abaaro daran oo dad iyo duunyaba saamaysay ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto qaybo kamid ah gobollada uu ka kooban yahay dowlad degaanka Soomaalidu.

10/27/2021 2:10 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Ciidanka laanta Socdaalka ee gobolka Togdheer ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in ay tarxiilayaan dadka kasoo jeeda, maamulka Koonfur-galbeed iyo deegaanada Waajid iyo Xudur ee Soomaaliya.

10/27/2021 2:08 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Ciidamadii Ahlu Sunna Waljameeca ee afartii maalmood ee lasoo dhaafay degmada Guriceel kula dhex dagaalamaayay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa aroornimadii hore ee saakay isaga baxay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

10/27/2021 1:59 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Madaxda Khaatumo ayaa shir laba cisho uga socday magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, kaga dhawaaqay in ay ka baxeen hishiiskii ay hore ula galeen xukuumada Somaliland xiligii madaxweyne Siilaanyo.