4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 27, 2021
Ganacsatada Soomaalida ee Turkiga oo lagu bilaabay beegsi ka dhan ah ganacsiyadooda
 

Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Warbixin ay soo saartay hay’ad fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in Soomaalida ku nool caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ay dhawaanahan booliisku bartilmaameed ka dhigteen, taasoo ay ku sheegeen inay tahay olole lagu dhibaataynayo.

Xaafadda Kizilay, oo ay ku yaalaan dukaamo iyo maqaaxiyo badan oo Soomaalidu leedahay, ayaa si gaar ah qeyb uga ah ololahaas, iyadoo Soomali badan lagu amray in ay ganacsiyadooda xiraan.

Maxamed Ciise Cabdullaahi  oo ah mulkiilaha maqaayad kutaalla xaafadda Kizilay, ayaa sheegay in 8-dii Sebtembar booliiska Turkigu ay bilaabeen inay Soomaalida ganacsiyada yaryar bartilmaameesadaan.

Maalmo ka bacdi booliska ayaa xabsiga u taxaabay ganacsato Soomaali ah oo uu ka mid yahay Cabdullaahi, iyaga oo markii hore geeyey saldhig boolis, kadibna geeyey taliska ciidanka booliska ee caasimadda.

Wuxuu sheegay iyagoo aan wax sharraxaad ah la siinin, dembina lagu soo oogin, in laba habeen lagu xidhay qol aanay jirin meel ay fadhiistaan, isagoo sheegay in mid ka mid ah maxaabiista loo diiday daawadiisi-taas oo uu ku tilmaamay sharci jabin.

Dhibaatooyinka Soomaalidu ku wajahayaan dalka Turkiga, ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay sare u kaceen dareenka ka dhanka ah ajaaniibta iyo qaxootiga ee ka dhex jira bulshada Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa wuxuu hadda martigeliyaa in ka badan afar milyan oo qaxooti Suuriyaan ah, iyadoo kuwa kaloo bandanna ay ka dhigtaan  marin ay  doonayaan inay  yurubta kale kaga tallaabaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online