4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 27, 2021
Somaliland: Gobolkii 4aad oo ku dhawaaqay in uu saarayo dad kasoo jeeda gobolo Soomaaliya kamid ah
 

Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Ciidanka laanta Socdaalka ee gobolka Togdheer ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in ay tarxiilayaan dadka kasoo jeeda, maamulka Koonfur-galbeed iyo deegaanada Waajid iyo Xudur ee Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka laanta socdaalka ee gobolka Togdheer gashaanle dhexe Jaamac Maxamed oo muuqbaahiyaha Somaliland waraysi siiyay, ayaa xajiiqiyay in ay tirakoob ku sameeyeen dadka gobolka laga saarayo, isagoo si gaara u carabaabay dadka kasoo jeeda deegaano gaar ah oo Soomaaliya ka tirsan.

"Baryahanba howlbaanu wadnay sidii aanu u diwaan galin lahayn dadka ajaanib ka ah ee jooga gobolka Togdheer, dadkaasi oo ka kooban dhawr qaybood oo kala dagan meelo kala duwan oo magaalada ka mida, waana dadka la yidhaa RRA, reer Waajidka iyo dad dawarsadayaal ah oo reer Xudur ah, waana dad u dhashay Soomaaliya" ayuu yidhi taliyuhu.

Waxa uu intaa ku daray in ay fuliyaan howlgal balaadhan oo xukuumada dhexe ee Somaliland soo amartay kaasi oo lagu tarxiilayo dadka aan Somaliland u dhalan, isagoo sheegay in ay amar ka sugayaan taliyahooda si ay ugu dhaqaaqan tarxiilka bulshooyinkan.

"Anaga oo raacayna barnaamijkaa guud ee madaxda qaranku soo saartay, waxaanu tira koobnay oo aanu isku daynay in aanu ogaano xogta gobolka, waxaana nu samaynay dad liis garaysan, amar uun baanu ka sugaynaa taliyaha yaga iyo madaxdii uu madaxweynuhu u xilsaaray" ayuu yidhi taliyuhu.

Gobolka Togdheer ayaa noqonaya gobolkii 4aad ee lagaga dhawaaqo tarxiilka bulshooyin kasoo jeeda gobolo Soomaaliya kamid ah Somaliland lagaga saarayo, iyadoo markii ugu horaysay 2 October howlgalkii ugu horeeyay oo noociisa ah laga bilaabay gobolka Sool.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]