3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 25, 2021
Qaramada Midoobay oo baaq kasoo saartay xaaladda magaalada Guriceel
 

Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa Baaq kasoo saartay xaaladda  Bini’aadamnimada ee  soo cusboonaatay magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Warbixin oo kasoo baxday Qaramada Midoobaay ayaa aad walaac looga muujiyay saameynta ay dagaallada ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug ku yeesheen dadka rayidka ah.

Colaadda Guriceel ayaa sababtay in tiro ka badan 100,000 oo qof, oo u badan dumar iyo carruur, ay ka cararaan guryahooda ayagoo u firxaday tuulooyinka dhaca magaalada bannaankeeda, goobahaas oo ay ku heysato biyo yari iyo xaalado abaareed.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dadka colaadda ku barakacay ay degdeg ugu baahanyihiin gurmad bini’aadamnimo, waxayna sheegtay in ay jiraan duruufo amni iyo dhaqaali yari sababtay in gurmadku aanu u gaarin sidii loo baahnaa.

QM waxay si adag u cambaareysay falalka sababay in madaafiic ay ku dhacaan laba isbitaal oo magaalada ku yaalla, kuwaas oo sababay burbur baaxad leh iyo iney istaagaan adeegyadii caafimaad ee ay dadka u hayeen, madaafiicdan ayaa sidoo kale saameeyay xafiis ay leedahay hay’ad maxalli ah.

Warka kasoo yeeray Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalintii saddexaad uu dagaal ka socdo magaalada Guriceel, iyadoo uu ka dhashay khasaare badan oo leh dhimasho iyo dhaawac ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/25/2021 10:15 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee gobolka Sanaag, ayaa bilaabay howlgalo ay ku qab qabanayaan dadka aan Somaliland u dhalan ee gobolka ku dhaqan, khaasatan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ay shalay ku ekayd mudadii ay xukuumada Somaliland u qabatay in dadkaasi gobolka kaga baxaan.

10/25/2021 7:58 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Raysal wasaraha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Puntland iyo shacabkeeda ugu hambalyeeyay doorashada golayaasha deegaanka ee ka bilaabatay magaalooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

10/25/2021 7:50 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Banaanbaxaan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid looga soo horjeedo dagaalka ka socda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo maalintii sadaxaad galay.

10/25/2021 5:57 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa bogaadiyay doorashooyinka golayaasha deegaanka ee ka socda deegaannada Puntland.

10/25/2021 4:51 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wasaaraddaha Gar-gaarka iyo maareynta masiibooyinka heer federaal, heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir ayaa ka shiray xaaladaha bini’aadannimo ee ka taagan qeybo ka mid ah Soomaaliya.

10/25/2021 2:53 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in raysal wasaarahii dalkaasi Cabdalla Xamduuk la galiyay xabsi guri saakay oo isniin sida uu baahiyay Tv-ga Alxadath ee dalkaasi.

10/25/2021 2:13 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Puntlland, waxaa saaka waaberigii ka billowday doorashooyin dadweynuhu ay codkoodu wax ku dooranayaan markii ugu horraysay 53 sano kadib, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka Puntland.

10/25/2021 1:58 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saakay markale uu dib uga bilaawday dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca.