3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 24, 2021
Xisbiga Waddani oo cambaareeyay amarka xukuumada Somaliland ku dhintay safarada shirkadaha diyaaradaha qaarkood
 

Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Xisbiga Waddani, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeyay in ay u dhintay safarada shirkadaha qaarkood sida Flydubai, Airarabia iyo Daallo, si loo naas nuujiyo shirkado kale oo qoyska madaxweyne Biixi wakiil kayahay.

Xogeeyaha ganacsiga, dalxiiska iyo warshadaha ee xisbiga Waddani Xamse Khayre, oo xarunta guud ee xisbiga warbaahinta kula hadlay, ayaa shirkado aanu carabaabin ku eedeeyay in dartood loo dhimay safarada Flydubai iyo shirkadaha kale, isagoo sheegay in ay mudantahay in la dabaqo Dastuurka Somaliland oo amraya ganacsiga xorta ah.

"Waxaanu aaminsanahay in dalkan Dastuurka Somaliland lagu dhaqo, dastuurkuna ganacsiga xor ayuu ka dhigay, Waddani halkaasu taaganyahay. Arrintani waa arrin la xidhiidha tartan, waxaa jira shirkado kale oo qoyska madaxweynuhu ay wakiil ka yihiin, oo aanu qabno in kuwaa loo xaglinayo, arrintaasi oo aanu aad u cambaaraynayno" ayuu yidhi Xamse Khayre.

Xamse Khayre ayaa dhinaca kale, ku andacooday in Dastuurka Somaliland uu gabi ahaanba mamnuucay in madaxweynaha talada haya iyo qoyskiisu ku lug yeeshan ganacsi gaar.

"Dastuurka Somaliland wuxuu qoyska madaxweynaha ka mamnuucay in ay ku lug yeeshan ganacsi gaar ah, sidaa dastuurku markuu lahaa wuxu ka hadlayay tan oo kale in ay dhici karto wanay dhacday, waxaanu aaminsanahay suuqu in uu xoryahay, in shirkadaha loo daayo suuqa oo ay tartamaan, arrintaasi waxay faa'iido ugu jirtaa dadweynaha Somaliland" ayuu yidhi Xamse Khayre.

Inkasta oo HOL anay si madaxbannaan u xaqiijin in qoyska madaxweynaha Somaliland ay wakiil ka yihiin shirkad diyaaradeed oo gaar ah, wararka qaar ayaa sheegaya in mid kamid ah wiilasha madaxweyne Biixi uu wakiil ka yahay shirkada Ethiopian Airline, oo ah tan safarada ugu badan ku timaada Hargaysa, isla markaana aan wax dhimis ah lagu samayn safaradeeda.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/24/2021 6:50 PM EST
London, UK (HOL) - Ciyaaryahanka u dhashay dalka Masar ee Mohmaed Salah una safta kooxda Liverpool ayaa maanta jabiyey saddex rikoor oo ay horay u haysteen cayaartooy kala duwan.

10/24/2021 2:24 PM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Maxkamada Gobolka Saaxiil ee Somaliland, ayaa xukun $20,000 oo ganaaxa ku riday laba markab oo nooca taaga loo yaqaano ee maraakiibta soo xidha ah, oo laga leeyahay dalka Togo, kadib markii lagu helay danbi ah in ay biyaha Somaliland si sharci daro ah kusoo galeen.

10/24/2021 2:13 PM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Xaaladda magaalada Guriceel ayaa deggen caawa kadib markii shalay iyo saakay ay ka dagaallo culus ku dhexmareen ciiddamada Galmudug iyo kuwa dowladda federalka oo dhinac ah iyo ciiddanka Ahlusunna Wajaamaca.

10/24/2021 9:57 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Golaha Kacdoonka gobolka Hiiraan iyo Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa si isku mid ah uga jawaab celiyay hadal shalay kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, kaasoo sheegay in magaalada Baledweyne uu imaanayo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

10/24/2021 6:37 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii uu qarax Sabtidii xalay ka dhacay maqaayad caan ah oo ku taalla duleedka caasimadda Uganda ee Kampala.

10/24/2021 4:29 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taala deegaanka Booco oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxay ku toogteen nin ay sheegeen inuu fara xumeeyay canug yar oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

10/24/2021 4:15 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Maamulka degmada Guriceel ee Galmudug ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Guriceel, ka dib dagaal xooggan oo halkaas ilaa shalay ku dhexmarayay ururka Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladda.

10/24/2021 2:35 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Doorashooyinkii ugu horreeyay oo qof iyo cod ah oo golayaasha deegaanka ah, ayay Puntland markii ugu horraysay qabanaysaa, 23 sano kadib aas aaskeedii.

10/24/2021 2:07 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in mar kale saakay halkaas uu ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.