4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 24, 2021
Maamulka degmada Guriceel oo sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta magaalada
 

Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Maamulka degmada Guriceel ee Galmudug ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Guriceel, ka dib dagaal xooggan oo halkaas ilaa shalay ku dhexmarayay ururka Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladda.

Muuqaal lagu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa guddoomiye ku xigaanka degmada Guriceel Cabdishakuur Axmed Faarax, wuxuu ku sheegay in ay magaalada ka saareen dhamaan ciiddamadii Ahlusunna  ee  shalay ka dagaalamayay qeybo kamid ah magaalada.

"Ciidamada dowladda waxay gacanta ku hayaan dhamaan degmada Guriceel, waxaa u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan maxaabiis fara badan oo ah dadkii ka dagaalamayay qayba ka mid ah degmada Guriceel." Ayuu yiri Cabdishakuur Axmed Faarax oo guddoomiye ku xigeenka Guriceel.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa shacabka ku sugan gudaha magaalada ugu baaqay in ay ka baxaan goobaha uu dagaalka ka socda, iyadoo la ogyahay in guryo badan ay ku dhaceen madaafiic.

"Waxaan baaq u diraya dadka reer Guriceel ee ku sugan magaalada gudaheeda, waxaa magaalada ka socda howlgal deg deg ah kaas oo ay ciidamada dowladda ku raad joogaan Ahlu Sunna, waxaan dadka u sheegaynaa inay guryahooda ku nagaadan." Ayuu yiri Cabdishakuur Axmed Faarax.

Si kaste ha ahaatee, wararka Guriceel ka imaanaya waxay sheegayaan in qeybo kamid ah laga maqlayo rasaas goos goos ah. ciiddamada Ahlsunna ayaa ku sugan waqooyi magaalada Guriceel.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online