4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 24, 2021
Puntland oo markii ugu horraysay berrito qabanaysa doorashooyinkii ugu horreeyay oo qof iyo cod ah
 

Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Doorashooyinkii ugu horreeyay oo qof iyo cod ah oo golayaasha deegaanka ah, ayay Puntland markii ugu horraysay qabanaysaa, 23 sano kadib aas aaskeedii.

Doorashooyinkaan oo dhicidoona maalinta berri ah oo ah 25ka Octobar, ayaa ka kala dhicidoona saddex degmo oo kala, Qardho, Eyl iyo Ufayn, oo ka kala tirsan gobolada Nugaal, Karkaar iyo Bari.

Ku dhawaad afartan kun oo dadweyne ah oo iska diiwaan galiyay saddexda degmo ayaa la filayaa in ay noqdaan codbixiyaasha doorashooyinkaan.

Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa magaalooyinka ay doorashooyinka ka dhacayaan lagu qabanayay iskusoo baxyo ay siddeeda urur siyaasadeed ee doorashada ka qeyb galaya isugu diyaarinayaan doorashada.

Illaa iyo hadda 3 urur siyaasadeed, ayaa ugu cad cad doorashada, kuwaas oo kala ah, ururka muxaafidka ah ee Kaah, Mideeye iyo ururka Sinnaan iyo Caddalad.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa berrito noqono doona qofka ugu horreeya ee codkiisa dhiibta, isagoo ka coddayndoona magaalada qardho oo ah deegaan doorashadiisa.

Sannadkii 2013, ayay Puntland doorashooyinkan oo kale ku fashilantay, kadib markii kacdoon loogasoo horjeedo lagala horyimid.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online