4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 23, 2021
Mukhtaar Roobow oo bixiyay wareysigii ugu horreeyay ee uu kaga hadlay xaaladda uu ku sugan yahay
 

Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Sheikh Mukhtaar Roobow Cali "Abuu Mansuur" oo xabsi guri ku jira muddo ku dhow saddex sano, ayaa bixiyay wareysigii ugu horreeyay tan iyo markii dowladda federalka xirtay 2018.

Mukhtaar Roobow oo wareysigaan siiyay idaacadaVOA Somali oo uu lasoo xiriiray, ayaa ku  sheegay inuu u afduuban yahay shakhsiyaad gaar ah oo katirsan dowladda federalka.

Wuxuu sheegay in loo diiday xuquuqdiisii aas aasiga ahayd islamakaana xaaladdiisa amni ay mar walba ahayd mid qatar ku jirta.

“Xaalado adag ayey soo martay nolosheeda, mar waxaa dhacday in Ciidan laga keenay Galmudug ay ku dagaalameen qolkeyga. waxaa ku geeriyooday hal askari, muddo kaddib waa la iga bedelay, Ammaanka & Noloshada maku dhihi karo way sugan yihiin” ayuu yiri Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur waxa uu xusay in loo beegsaday loona soo afduubtay hamigiisa siyaasadeed, isagoo caddeeyay in uusan waxba iska beddelin qorshihiisii uuna ku raadinayo wado nabaddeed haddii uu xorriyadiisa helo.

Roobow oo kasoo goostay Al Shabaab ayaa bishii December ee sanadkii 2018-kii laga soo xiray magaalada Baydhabo isaga oo ah musharax u taagan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, tan iyo xiligaasna waxa uu ku xiran yahay xabsi kuyaalla Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online