3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 23, 2021
Ganacsade Caan ahaa oo ku dhintay israsaaseyn Suuqa bakaaraha ku dhexmartay ciidamada dowladda iyo burcad hubeysan
 

Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Israsaaseyn muddo kooban socotay oo ku dhexmartay gudaha Suuqa weyn ee Bakaraaha ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo la sheegay iney dhac u geysanayeen dadka shacabka ah ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Ganacsadaha ku dhintay rasaasta ay is weedaarsanayeen labada dhinac ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulle Cawaale Fiidow oo ku magac dheeraa Sandheere, kaasoo si weyn looga garanaayay inta badan gobolada dalka Soomaaliya.

Marxuum Cabdulle Cawaale Fiidoow ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray rasaasta ay is weedaarsanayeen ciidamada dowlada iyo burcada hubeysneyd ee is rasaaseynta ku dhexmartay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Iska hor imaadyada noocaan oo kale ah ee dhexmara ciidamada dowladda iyo buracada hubeysan ayaa inta badan ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ku geeriyooda rasaasta ay isku adeegsadaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/23/2021 2:09 PM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu Sunna ay dib ula wareegeen gacan ku heynta xarumahii maanta ay kala wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

10/23/2021 1:45 PM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in maanta xabsiga magaalada Jigjiga laga sii daayay, siyaasiyiin hore oo muddo ku xidhnaa magaalada Jigjiga.

10/23/2021 11:51 AM EST
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdirahman Ducaale Beyle oo maanta daah-furay Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda ee 2022-ka ayaa sheegay in hadii aanay Soomaaliya January 2022 ka hor an la soo gababeynin doorashada madaxtinimo ee dalka ay suurtagal tahay inay istaagaan dhamaan mashaariicda yar ee hadda ka socda dalka.

10/23/2021 9:12 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Shirkada diyaaradaha FlyDubai ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta, ayaa go'aansatay in ay joojiso duulimaadyadii todobaadkiiba 3 cisho ay ku iman jirtay magaalada Hargaysa, kadib markii xukuumada Somaliland u sheegtay in ay safaradeeda 2 cisho kusoo koobto.

10/23/2021 9:01 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Sheikh Mukhtaar Roobow Cali "Abuu Mansuur" oo xabsi guri ku jira muddo ku dhow saddex sano, ayaa bixiyay wareysigii ugu horreeyay tan iyo markii dowladda federalka xirtay 2018.

10/23/2021 7:59 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble, ayaa wareegto uu soo saaray maanta ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska.

10/23/2021 6:38 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo saakay ka bilaawday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidanka Ahlu Sunna oo horay degmadaasi gacanta ugu haaysay.

10/23/2021 5:19 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa soo dhaweeyay qoraal ay soo saaren qaar kamid ah waddamada reer Yurub iyo Maraykanka, oo ay ku sheegeen in xukuumada Somaliland ay doorashada madaxweynaha wakhtigeeda ku qabanayso isla markaan, ay diyaarisay kharash keeda.

10/23/2021 2:04 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Guriceel ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw uu ka biloowday dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada Fedaraalka iyo kuwa maamulka Galmudug oo dhinac ah iyo ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca.

10/23/2021 1:55 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - In ka badan 100,000 oo qof ayaa ka qaxay magaalo Guriceel sababo la xiriira xiisada colaadeed ee u dhaxaysa Ahlusunna Waljamaaca iyo maamulka Galmudug, sida ay sheegtay QM.

10/23/2021 1:52 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Waxaa kasoo dhex muuqday dawladda uu soo dhisay Madaxwayne Mustafe cagjar, lammaane markii hore ku midoobay nolosha, haddana isugu yimid siyaasaddii degaanka.

10/23/2021 1:51 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Qoraal ay si wada jir ah usoo saareen waddamada Maraykanka, Denmark, Ingiriiska, Finland, Germany, Netherlands, Sweden iyo Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in saxiibada caalamiga ah ee Somaliland cambaaraynayaan howlgalka ay Somaliland dhulkeeda kaga saarayso bulshooyin gaara.