3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 2 , 2021
Beesha caalamka oo mar kale Farmaajo iyo Rooble ugu baaqday in ay ka heshiiyaan khilaafka dhexdooda
 

Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa mar kale ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble in ay ka heshiiyaan khilaafka dhexdooda ayna sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka.

War-saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka, waxaa welwel looga muujiyay hubaal la’aanta siyaasadeed ee socota, taas oo sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada Soomaaliya.

Beesha caalamka waxay sheegtay in ay ka xun tahay jahwareerka ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha (WAG) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka.

“Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay beesha caalamka.

Baaqa beesha caalamka ayaa kusoo beegmay xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan madaxda Soomaaliya, iyadoo khilaafku uu saameeyay hay’addihii amniga oo labo garab u kala qeybsamay.

Hoos ka Aqriso War-saxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka:-


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/2/2021 2:16 PM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Cabaas Samaw Maxammed Xasan oo kamid ah dadka kasoo jeeda gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ee Somaliland Laascaanood ka masaafurisay, ayaa sheegay in tirada dadka la masaafuriyay dhantahay 700 oo qof oo iskugu jira rag, dumar iyo caruur.

10/2/2021 10:02 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Nugaal, isagoo xilkii ka qaaday guddoomiyihii hore, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday madaxtooyada Garowe.

10/2/2021 9:56 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ansixiyay in degmooyinka Caynaba, Talleex iyo Balli-gubadle loo dalacsiiyo darajada "B", halka markii hore ay ka ahaayeen degmooyin darajadoodu tahay "C".

10/2/2021 8:12 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar aan la shaacin maanta oo sabti ah ugu ambo baxay dalka Imaaraatka Carabta oo kamid ah dalalka saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland.

10/2/2021 7:48 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo guddoonka guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

10/2/2021 7:26 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee Gobolka Sool, ayaa xabsiga u taxaabay Mawliid Ismaaciil Digeed oo ah wariye katirsan warbaahinta Halbeeg Media, oo ka howlgala magaalada Laascaanood.

10/2/2021 6:54 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee magaalada Laascaanood ayaa raafaya dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya ee ku dhaqan magaalada Laascaanood, sida uu taliyaha booliiska gobolka Sool warbaahinta u sheegay.

10/2/2021 6:08 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka uu meel wanaagsan ku socdo uuna rajaynayo in doorashada inta lagu jiro aysan samayn ku yeelan doonin hannaanka nidaamka Maaliyadda dowladda.

10/2/2021 2:30 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay, hadallo xanaf leh oo loogu gafay qoyska dhibanayaasha ay ka baxday Marxuumad Ikraan Tahliil.

10/2/2021 1:54 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keentay inay dib ula wareegaan ciidanka Ahlu Sunna degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

10/2/2021 12:59 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa warsaxafadeed kasoo saaray xaalad kacsanaan ah oo kasoo cusboonaatay deegaanada Maamulka Galmudug, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna ay la wareegeen degmada Guriceel.

10/2/2021 12:55 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca ee la wareegay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo sheegay inuusan dhicin wax dagaal ah oo ay si nabadgalyo ah kula wareegern degmada Guriceel ayaa soo saaray amaro cusub.