4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 2 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo baaq deg deg ah kasoo saaray xaalada Galmudug
 

Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa warsaxafadeed kasoo saaray xaalad kacsanaan ah oo kasoo cusboonaatay deegaanada Maamulka Galmudug, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna ay la wareegeen degmada Guriceel.

Raysal wasaare Rooble ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xiisada colaadeed ee haatan ka taagan qeybo badan oo ka mid ah deegaanada Galmudug, islamarkaana ka tacsiyadeyay dadka ku dhintay iska hor imaadyadii dhacay.

"Galmudug waxaa ka jirta Dawlad-Goboleed haysata sharciyad buuxda iyada ayaana mas’uul ka ah amniga deegaannada  Galmudug , sidaas awgeed waa in laga dheeraado  tallaab kasta oo u muuqata mid lagu carqaladaynayo Galmudug. Cid kasta oo qabta tabasho waa in ay u martaa xalka dariiq nabadeed, waana in la joojiyaa abaabulka hubaysan iyo weerarada baal-marsan sharciga taas oo halis ku ah xasilloonida, nidaamka iyo kala danbaynta" ayaa lagu yiri warsaxafadeedka Raysal wasaare Rooble.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhamaan reer Galmudug maamul iyo shacab in ay gacmaha is qabsadaan una midoobaan dagaalka lagula jiro Alshabaab iyo cid kasta oo halis ku ah xasiloonida dowladnimada iyo horumarka maamulka Galmudug.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]