4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 18, 2021
Arday maaliintii saddexaad ku xidhan xabsiyada magaalada Hargaysa
 

Isniin, October, 18, 2021 (HOL) - Waxa habeenkii saddexaad xabsiyada Hargaysa u hoyday arday tirradooda lagu qiyaasay in kabadan 30 arday oo wax ka baranayay dugsiga sarre ee Faarax Oomaar ee Hargaysa, oo xabsiga loo taxaabay kadib markii, ay 16 October mudaharaad ay kaga cabanayaan maamulohoodii oo la badalay ay ka sameeyeen afaafka wasaarada waxbarashada.

Gadoodka ardayda ayaa yimid kadib markii, Guulleed Yuusuf Iidaan (Goohe) oo maamule dugsiga in muddo ah ka ahaa xilkii laga qaaday 13 October, qaar kamid ah ardayda ayaa muuqbaahiyaha Bulsho u sheegay in Goohe la badalay kadib markii uu ka hadlay qadiyada macalimiin bilaa mushaar ah.

"Maamulaha yaga waxaa lagu balay in uu ka hadlay macalin xanuunsaday oo bilaa guno ah, barigii hore manaan haysan macalimiin, 17 macalin oo bilaa guno ah ayaa noo joogay maalintii uu Gulleed yimid, wuxuu noo keenay dhowr iyo afartan macalin oo ardaydii iyo macalimiintii ayuu isku hayaa" sida waxa tidhi aradayad kamid ah mudaharaadayaasha.

Sidookale, waxay sheegeen in ciidanka booliisku ay jidhdil u gaysteen qaar kamid ah ardayda mudaharaadka dhigtay, iyagoo codsaday in maamulkoodii dib loogu soo celiyo.

"Waxba nalagama waydiin ciidan baa nala dulkeenay ardaydii waa nalaga dilay, imika ardayad baa naga jabtay, inana qori dabadii ayaa laga jaray wadnaha, waxan ku baaqayaa maamulahayagii in naloo soo celiyo, hadii dugsiga Faarax Oomaar in uu sii jiro la doonayo" sida waxaa yidhi arday kamid ah mudaharaadayaasha.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbiga Waddani oo uu ugu mudan yahay gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa cambaareeyay xadhiga ardayda, isla markaana ku baaqay in xoriyadooda dib loogu soo celiyo.

"In arday ka badan boqol la xidho waa ayaan darro weyn oo muujinaysa lexo-jeclo la'aanta jiilashii mustaqbalka. Waxa aan leeyahay Inta xidhan xorriyadooda dhakhso ha loogu soo celiyo,” ayu yidhi Cirro.

Maamule Goohe oo ardaydu ay ku doodayaan, in uu wax badan ka qabtay baahiyaha dugsiga mudadii uu joogay, ayaa xafladii xilwareejintiisa ka sheegay wax qabadyada uu hirgaliyay ee lagu xasuusan doono.

"Waa markii koowaad ee tan iyo iskuulka markii la dhisay 1967 dayrka wax laga qabto, waxa mar mar la dhigay fasalada dugsiga 3 kamid ah, halka xafiiska iyo laba fasal oo kalena ay ardaydu dhigeen, waxaanu dugsiga ku xidhnay kamarado CCTV ah, waxaanu dhisnay 3 masqulood, qolkii hablaha ayaanu qalabanay, waxaanu dhamaystirnay shaybaadhkii dugsiga, laabkii koombitarkuna wuu shaqaynayaa" ayuu dhi Goohe.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]