4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 18, 2021
Mustafe Muxumed Cumar oo mar kale loo doortay Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida
 

Isniin, October, 18, 2021 (HOL) - Kalfadhigii 1aad ee ay maanta yeesheen Golaha xildhibaannada degaanku ayaa Madaxwayne Mustafe cagjar mar kale loogu doortay inuu noqdo Madaxwaynaha Dowlad Degaanka Soomaalida ee 5ta sano ee soo socota.

Sidoo kale Ibraahim Cismaan oo horey u ahaa Madaxwayne ku xigeen ayaa isagana mar kale loogu doortay inuu Madaxwayne ku xigeenkii un ahaado.

Kalfadhigan ayaa sidoo kale lagu doortay Afhayeenka baarlamaanka degaanka iyo ku xigeen, iyadoo Afhayeenka loo doortay gabadha lagu magacaabo Ayaan Cabdi, ku xigeena loo magacaabay Ibraahim Xasan Cali.

Dadka degaanka ayaa aad u hadal haya arrimahan, iyagoo wali ka dhur sugaya golaha wasiirada uu Madaxwayne Mustafe cagjar soo magacaabayo.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]