4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 18, 2021
Ciidanka Nabadsugida Jubbaland oo sheegay iney howlgalo kusoo qabqabteen xubno ka tirsan Al-shabaab
 

Isniin, October, 18, 2021 (HOL) - Ciidanka Nabadsugida maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ka sameeyay howlgalo ay sheegeen iney ku xaqiijinayaan amaanka magaalada Kismaayo.

War qoraal ah oo kasoo taliska NISA ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in howgalka ay ka sameeyeen dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana ay kusoo qabqabteen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab kuwa kalana ay ku raad joogaan.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka NISA in bulshada la wadaagi doonaan warbixintooda oo dhameystiran iyo shaqooyinkii lidka ku ahaa amniga dadka iyo dalka ee ay ku howlanaayeen.

"Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada" ayaa lagu yir warka kasoo baxay NISA Jubbaland.

Howlgaladan NISA ay ka bilaawday magaalada Kismaayo ayaa si weyn looga hadal haya gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]