4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 17, 2021
Taliska ciidanka Xoogga dalka oo soo bandhigay Sarkaal ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay
 

Axad, October, 17, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60-aad ee ka howlgala deegaanada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa soo bandhigay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Sarkaal lasoo bandhigay ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Kuuloow Cali oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ee ka howlgali jiray gobolka Bakool oo ka mid ah gobolada maamulka Koofur Galbeed.

Saraakiil ka tirsan taliska qeybta 60-aad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sarkaalkan isku soo dhiibay uu ku hubeysnaa qori noociisu yahay Ak47 iyo booshkiisa, islamarkaana uu ka mid ahaa saraakiisha Shabaab ee ugu cadcad deegaanada gobolka Bakool.

Taliska Ciidanka Xoogga ee qeybta 60-aad ayaa dhowr jeer soo  bandhigay saraakiil iyo xubno ay sheegeen inay kasoo goosteen Al-shabaab, iyadoo sidoo kalana mararka qaarna ay Al-shabaab dhankooda soo bandhigaan Askar ay ku sheegaan inay kasoo goostaan Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulada ay isku soo dhiibaan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dagaalamayaasha Al-shabaab oo la xariirta sarkaalkan ay sheegeen taliska 60-aad inuu kasoo goostay Shabaab islamarkaana isku soo dhiibay gacanta dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]