4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 14, 2021
Qareenada u dooddayay badda Soomaaliya oo beeniyay in Kenya loo xukumay dhulka qaniga ku ah shidaalka
 

Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Mid kamid ah Qareenada u dooddayay badda Soomaaliya ayaa beeniyay warar warbaahintu tebinaysay oo ku saabsan, in Kenya loo xukumay dhul baddeedka qaniga ku ah shidaalka iyo Saliidda.

Paul Reichler oo wareysi siiyay idaacadda VOA Somali, ayaa ku sheegay wareysiga, in aysan xilligan jirin wax ceelal ah oo lagu sameeyay shidaal qodis dhab ah oo ay maxkamadu dhinaca Kenya raacisay.

Paul wuxuu sheegay dhulka lagu muransanaa in ay shirkaddo baaris ku sameeyeen, isla markaana ay leysimada bixiyeen Soomaaliya iyo Kenya, inkastoo uu sheegay in ay badnaayeen leysinada ay Kenya bixisay.

“Ceel ayaa loo qoday in shidaal laga sahmiyo, laakiin salliid lagama soo saarin. Waxaa ceelkaas uu maray dhinaca Kenya loo xukumay,” ayuu yiri qareenku.

Qareen Paul Reichler, wuxuu sheegay in Soomaaliya dhulka ay ku dacwoonaysay loo xukumay 75%, halka Kenyana uu sheegay in loo xukumay 25%.

“12ka Mayl ee u horreeya, maxkamaddu waxay isticmaashay xarriiqda tooska ah, waxayna Soomaaliya maxkamaddu siisay 100%. Dhulka ka dambeeya aagga dhaqaalaha oo ah dhulka ugu weyn ee saddexda qeybood ee maxkamaddu qeybisay, waa dhulka loo yaqaano EEZ, oo ah dhulka u dhaxeeya 12Nautical Mile, illaa 200 nautical Mile, Soomaaliya waxay ka heshay 75%, halka Kenyana ay ka heshay 25%,” sidaasi waxaa yiri qareen Paul Reichler.

Qareenka ayaa ugu dambayn sheegay in ay Kenya waajib ku tahay in ay aqbasho xukunka maxkamadda isla markaana shirkaddaha caalamiga ah ay u hoggaansamaan xarriiqdu ay maxkamaddu jeexday.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online