4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 14, 2021
Maraykanka : Waa in si degdeg ah loo dhameystiraa doorashada Soomaaliya oo sanadkan aysan dhaafin
 

Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa carrabka ku adkaysay in loo baahan yahay in la dhameystiro doorashooyinka Soomaaliya, isla markaana si degdeg ah loo dhameeyo khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Xafiiska arrimaha dibadda Maraykanka ee Afrika, ayaa sidaasi sheegay, kadib kulan ay wada qaateen wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, iyo kaaliyaha Xoghayaha Maraykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee.

kaaliyaha Xoghayaha Maraykanka ee Arrimaha Afrika, ayaa carrabka ku adkeeysay in loo baahan yahay in doorashooyinka Soomaaliya la dhameystiro sannadkan, si looga baaqsado dib u dhac dambe oo yimaada.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa isna sheegay kulanka uu la qaatay Mary Catherine Phee, inuu ahaa kulan wax -ku -ool ah oo looga hadlayay horumarka Soomaaliya ay gaartay iyo arrimaha doorashooyinka.

Wasiirku wuxuu sheegay Maraykanka inuu weli yahay mid ka go'an nabadda, amniga & barwaaqada Soomaaliya.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online