3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 14, 2021
Ganacsade Soomaaliyeed oo Xalay lagu dilay dalka Koofur Afrika iyo Goobo Ganacsi oo la gubay
 

Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Kooxo hubeysan oo ah burcad u dhalatay dalka Koofur Afrika ayaa Xalay ganacsade Soomaaliyeed waxay ku dileen deegaanka lagu magacaabo Tempisa oo ka tirsan gobolka Limpopo.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu dilay Koofur Afrika ayaa lagu magacaabi jiray Shaafici Cabdulle Saneey, kaasoo burcadu ay ku dhex dileen goobtiisa ganacsi.

Meydka Marxuumka waxaa goobtiisa ganacsi ka dhex qaaday muwaadiniin kale oo Soomaali ah oo goobo ganacsi kulahaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta lagu dilay marxuumka.

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa sida caadada u aheyd dilka kadib waxay tageen halka uu dilka ka dhacay, iyagoona sameeyay baaritaano ay ku baadi goobayeen raggii ka dambeeyay falkaas oo durbadiiba goobta isaga baxsaday.

Dilalka loogu geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed Dalka Koonfur Afrika ayaa maalmihii dambe sii kordhaya, waxaana todobaadkan gudahiisa lagu dilay dalkaas ilaa afar muwaadin oo dalkaasi kulaa goobo ganacsi.

Dhinaca kale warar ka imaanaya magaalada Port Elizabeth ayaa sheegaya in dukaamo xalay lagu gubay Duleedka Magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika.

Sedax Dukaan Oo Ajaanib ay leedahay ayaa dab la qabadsiiyay saqdii dhexe waxaana laba ka mid ah dukaamadaasi ay ku yaaleen tuulada Kwazakhele Iyado dukaanka kale sedaxaad ee lagu gubay tuulada Zwide sida laga so xigtay Afhayeenka booliska Col Priscilla Naidu.

Dhacdada dukaamada lagu gubay ayaa la rumeeysanyahay in ay daba socoto isku dhac shalay galinkii dambe Xaafadda Korsten ku dhaxmaray darawalada Taksileeyda iyo Soomaalida degan xaafadahaasi waxaana shalay la gubay in ka badan 10 Gawaari nooca caasiyada loo yaqaano.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/14/2021 1:32 PM EST
Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Mid kamid ah Qareenada u dooddayay badda Soomaaliya ayaa beeniyay warar warbaahintu tebinaysay oo ku saabsan, in Kenya loo xukumay dhul baddeedka qaniga ku ah shidaalka iyo Saliidda.

10/14/2021 11:54 AM EST
Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Maamulka gobolka Saaxil ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in ay gobolka ka saarayaan, dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

10/14/2021 10:41 AM EST
Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Shuhadada qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen boqolaal shacab Soomaaliyeed ah, isagoona Alle uga baryey in uu naxariistiisa janno ku abaal mariyo dadkii ku dhintay weerarkaas.

10/14/2021 6:17 AM EST
Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa carrabka ku adkaysay in loo baahan yahay in la dhameystiro doorashooyinka Soomaaliya, isla markaana si degdeg ah loo dhameeyo khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

10/14/2021 4:24 AM EST
Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Bilaal Maxamed Cusmaan, ayaa sheegay dowladda Kenya in aysan wax dan ah ugu jirin inuu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

10/14/2021 2:26 AM EST
Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi saacadahii ugu dambeeyay uu ka jiray barakac aad u xoogan oo ay sameynayaan dadka ku dhaqnaa xaafadaha magaaladaasi.

10/14/2021 1:51 AM EST
Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Sannad -guuradii afaraad ayay maanta ku beegan tahay markii uu dhacay qaraxii 14 -kii Oktoobar 2017, qaraxaas oo ahaa qarixii ugu dhimashada badnaa uguna burburka badnaa ee ka dhaca Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.