4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 13, 2021
Afar wiil oo walaalo ah oo ku geeriyootay ceel biyood ladumay
 

Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Meel u dhaw degaanka Horuhowd oo ka tirsan degmada Shabeelley ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka dhacday dhacdo aad u xanuun badnayd kaddib markii 4 wiil oo walaalo ahaa ay ku wada geeriyoodeen ceel biyood afka ka banaanaa oo la dumay.

Wiilashan oo saacado badan ku jiray ceelka ay ku dhaceen ayaa mar dambe laga soo saaray meydkooda, waxaana adkaatay in nolol lagu soo badbaadiyo maadaama ay habsaameen gurmadkii badbaadin lahaa wiilasha, sidoo kalena goobta ay masiibadu ka dhacday oo ku dhex taalay tog dhinicii, ay adkaatay in si fudud lagusoo gaaro goobta.

Sida wararku sheegayaan wiilasha walaalaha ah ee geeriyooday ayaa rabay inay cusboonaysiiyaan ceelkan la dumay, oo muddo aad u dheer la qoday, balse markii dambe noqday meel ay naftoodii ku waayeen.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah ee ay halmeel ku nafwaayaan wiilal walaalo ah ayaan horey uga dhicin degaanka, waxayna arrintani noqotay mid filan waa iyo naxdin ku reebta qof kasta oo maqlay dhacdadan murugada leh.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]