4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 11, 2021
Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waa in shan taallo naloo dhisaa maadaama aan badbaadinay badda Soomaaliya
 

Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Hogaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in ay u qalmaan in loo taago Taallooyin lagu xasuusandoono kaalinta xukuumadii uu katirsanaa ay ka qaadatay  badbaadinta badda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay, haddii uusan jiri lahayn heshiiskii MOU ee uu saxiixay sannadkii 2009, in maanta aa la gaari lahayn guusha Soomaaliya ka gaartay dacwadda ee hortaalla ICJ.

“Kenya, 2005 ayay baddeenna goosatay. 2009 waxaan ku niri ma goosan kartaan, haddii aanan oran lahayn sidaas, way iska qaadan lahayd Kenya baddeenna,” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga wadajir.

“Waxaan rabnaa taallada cidda loo dhisayo, kow, innaga in aan noqono. Labo rajiimkii naga dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheikh, oo isagana dacwadda geeyay maxkamadda. Saddex, Farmaajo kiisa wuu ugu dambeeyaa, inuu ku adkaystay illaa dacwadda dhamaatay in uusan ka bixin dhufayskii, isagana libintaas waa inuu qaataa,’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta dhegaysiga xukunka dacwadda badda oo ay maalinta berrito ah ku dhawaaqayso maxkamadda caddaalada adduunka ee ICJ.

Wafdi dowwladda katirsan oo uu hoggaaminayo raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guulleed Khadar ayaa haatan ku suga magaalada Hugue ee dalka Holland oo ay ku taallo maxkamadda.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online