6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 10, 2021
Xukuumada Somaliland oo soo saartay amaro lagaga hortagayo faafista Covid-19
 

Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Khatarta sii kordhaysa ee caabuqa Covid19 darteed, xukuumada Somaliland ayaa bulshada ku amartay in ay xidhaan afsaab, kala fogaadaan, isticmaalaan jeermis dilayaasha, qaataan tallaalka, isla markaana, anay ka qayb gali karin aaska (duugta) qof u dhintay caabuqa.

Amar kasoo baxay Guddida ka hortaga Caabuqa Covid19 ee Somaliland, ayaa bulshada lagu amray in ay xidhaan afsaab marka ay joogaan goobaha layskugu yimaado, sida masaajidada, xafiisyada dowlada, suuqyada, xafladaha, shirarka iyo W.L.M.

Sidoo kale, waxay guddidu bulshada fartay in ay kala fogaadaan masaafo dhan 1.5 mitir ugu yaraan, xiliyada ay joogaan goobaha ay bulshadu ku kulanto.

Imaamyada masaajidada ayaa la faray in ay bulshada ku amraan ay afsaab soo qaataan, sijaayad gaar ah qofkasta la yimaado, dadku in ay si teel teel ah u tukadaan oo kala fogaadaan ugu yaraan 1.5 mitir, in la xidho goobaha waysada iyo in salaad kasta lagu soo koobo 25 minit.

Masaajida fulin waaya amarada kor ku xusan waxa loo aqoonsan doona, in ay dhiirigalinayaan faafista caabuqa.

Guddida ayaa bulshada fartay in ay qaataan tallaalka Covid19, waxa si gaara amar loogu bixiyay in dhamaan shaqaalaha caafimaadka, waxbarashada, dowlada iyo ciidamada heerarkooda kala duwan ay qaataan tallaalka.

Ugu danbayn guddida ayaa ku dhawaaqday in aan qofkna loo ogolaan doonin in uu ka qayb galo aaska qof la caddeeyay in uu u dhintay caabuqa, waxay sheegtay in wasaarada caafimaadku masuulka tahay aaska qofka caabuqa u dhinta.

Tirada guud ee dadka maanta caabuqa Covid-19 laga baadhay waa 445 qof, tirada guud ee maanta laga helay waa 55 qof, tirada guud ee maanta caabuqa u dhimatayna waa 7 qof guud ahaan Somaliland.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/10/2021 1:32 PM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo shir jiraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa ka digay colaad aan la mahadin doonin oo uu tilmaamay inuu Galmudug ka abaabulayo madaxweyne Qoor-qoor.

10/10/2021 1:24 PM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur, ayaa ku amray dadka aan Somaliland u dhalan ee ku dhaqan gobolka Sanaag, in ay gobolka kaga baxaan mudo 14 cisho ah.

10/10/2021 8:28 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baledweyne soo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Mowliid Mataan, kuwaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

10/10/2021 7:29 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Wafdi uu hogaaminaayo Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holand.

10/10/2021 2:37 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Burcad hubeysan oo Koofur Afrikaan ah ayaa xalay magaalada East London ee dalkaasi Koofur Afrika waxay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa waxgaradka sida weyn uga dhex muuqday Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi.

10/10/2021 2:18 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa markale ku celisay in cadaalada kiiska gabadheeda uu hortaagan yahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

10/10/2021 2:05 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in uusan wax gorgortan ka galeynin kiiska Ikraan ayna ka go'an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin uun ha dhawaato ama ha dheeraato.

10/10/2021 1:45 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo katirsan barlamaanka dowladda federalka Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday, ayaa ku eedeysay hay’adda NISA in ay baabi’isay dhammaan caddeymihii suurtoo galin lahaa in wax laga ogaado cidda ku lug lahayd kiiska Ikraan Tahliil.

10/10/2021 1:32 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Dawlad Degaanka loogu magac daray Dawlad Degaanka Koonfur Galbeed Itoobiya ayaa la filayaa in dhawaan lagaga dhawaaqo Itoobiya.