3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 10, 2021
Somaliland oo amar cusub kasoo saartay dadka aan Somaliland u dhalan ee ku nool gobolka Sanaag
 

Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur, ayaa ku amray  dadka aan Somaliland u dhalan ee ku dhaqan gobolka Sanaag, in ay gobolka kaga baxaan mudo 14 cisho ah.

Khaliif ayaa sheegay in amarkani ka yimid xukuumada dhexe ee Somaliland, waxaanu ku amray in muddo 14 cisho gudahood ah ay gobolka kaga baxaan.

"Waa go'aan kasoo baxay guddida heer qaran ee xukuumada Somaliland, go'aan kaas oo ah in ajaanibka gobolka Sanaag ay ka baxaan, aadaana waddankii ay kasoo shaqo tageen, maantoo ah 10 October waaxanu dadkaa u caddaynaynaa in ay ku diyaar garooba oo dalka kag baxaan mudo 14 cisho ah" ayuu yidhi Khaliif.

Khaliif ayaa sidookale u sheegay dadka reer Sanaag ee xidhiidhka ganacsi lalahaa bulshada in ay ku kala gurtaan mudada 14 cisho ah, ee loo qabtay in ay ku baxaan.

"Cidii reer Sanaaga ee ganacsi ka dhaxeeyay ganacsigooda hakala gurtaan, sidii ay u bixi lahaayeena ha kala shaqeeyaan dadwaynaha reer Sanaag, waayo dadkaa dad badan ayay wax ka dhexeeyeen, qaar ay shuraako noqdeen, qaar ay shirkado wada lahaayeen, qaar ay guryo kaga jireen" ayuu yidhi Khaliif.

Xukuumada Somaliland ayaa wada howlgalo ay dadka aan reer Somaliland ahayn kaga saarayso Somaliland, dadka laga saarayo gobolada bariga ee Sool iyo Sanaag, ayaa u badan dadka asal ahaan kasoo jeedaa maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo sanado badan ku dhaqnaa gobolada.

Sidookale, booliiska ayaa magaalooyinka waa wayn ee Somaliland sida Hargaysa, ka ururinaya dadka Itoobiyaanka ah, isla markaana, dib ugu celinaya dalkoodii.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/10/2021 6:43 PM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Khatarta sii kordhaysa ee caabuqa Covid19 darteed, xukuumada Somaliland ayaa bulshada ku amartay in ay xidhaan afsaab, kala fogaadaan, isticmaalaan jeermis dilayaasha, qaataan tallaalka, isla markaana, anay ka qayb gali karin aaska (duugta) qof u dhintay caabuqa.

10/10/2021 1:32 PM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo shir jiraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa ka digay colaad aan la mahadin doonin oo uu tilmaamay inuu Galmudug ka abaabulayo madaxweyne Qoor-qoor.

10/10/2021 8:28 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baledweyne soo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Mowliid Mataan, kuwaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

10/10/2021 7:29 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Wafdi uu hogaaminaayo Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holand.

10/10/2021 2:37 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Burcad hubeysan oo Koofur Afrikaan ah ayaa xalay magaalada East London ee dalkaasi Koofur Afrika waxay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa waxgaradka sida weyn uga dhex muuqday Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi.

10/10/2021 2:18 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa markale ku celisay in cadaalada kiiska gabadheeda uu hortaagan yahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

10/10/2021 2:05 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in uusan wax gorgortan ka galeynin kiiska Ikraan ayna ka go'an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin uun ha dhawaato ama ha dheeraato.

10/10/2021 1:45 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo katirsan barlamaanka dowladda federalka Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday, ayaa ku eedeysay hay’adda NISA in ay baabi’isay dhammaan caddeymihii suurtoo galin lahaa in wax laga ogaado cidda ku lug lahayd kiiska Ikraan Tahliil.

10/10/2021 1:32 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Dawlad Degaanka loogu magac daray Dawlad Degaanka Koonfur Galbeed Itoobiya ayaa la filayaa in dhawaan lagaga dhawaaqo Itoobiya.