6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 10, 2021
Qaali Maxamuud Guhaad "Madaxweyne Illaahey ka baq ee gabadheyda ii soo daay, ama haley toogto kuwii dilay"
 

Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa markale ku celisay in cadaalada kiiska gabadheeda uu hortaagan yahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maamo Qaali ayaa madaxweyne Farmaajo ka dalbatay hadii gabadheeda ay nooshahay in loo soo daayo oo aysan jiri doonin wax dambe oo la isku qabsanaayo, hadii ay dhimatayna in cadaalada loo horkeeno dadkii dilkeeda ka dambeeyay.

“Kiiskaan wuxuu ku dhamaan karaa kaliya Ikraan oo Nolol lagu helo ama dadkii dilay oo inta maxkamad xukunto aniga oo u ujeedo oo waliba wajiyadooda arkaaya in Iskuul Polizia lagu Toogto”ayay tiri Maamo Qaali.

Waxay sidoo kale sheegtay in kiiska gabadheeda uu yahay mid Caalami ah oo aan aheyn sida loo maleeyo, islamarkaana waxay baaq u dirday Maxkamadaha Caalamiga oo ay ka codsatay iney soo faragaliyaan kiiska gabadheeda.

"Kiiska gabadheyda marnaba la xirmi doono oo waxa la is leeyahay habartaan meelaha ka qeylinee iyada iska aamusi doonto, taasi ma dhici doonto gabadheyda waxa cadaalad u raadinteeda u taagan aniga Aabaheed Faarax Tahliil adeeryeelkeed, abtiyaashed iyo dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee madaxweyne ilaah ka baq ee gabadheyda isoo daaya hadey dambi ledahayna halagu qaado hadii kalana cadaalad haley marsiiyo dadkii dilay" ayay tiri Qaali Maxamuud hooyada dhashay Ikraan Tahliil.

Hadalkan kasoo yeeray hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaalad ka tirsaneyd NISA oo nolol iyo geeri lagu waaysana mudo laba bilood ah oo ay markii dambe NISA shaacisay iney shabaab dileen ayaa imaanaya kadib kulan ay la qaateen iyada iyo qoyskeeda Raysal wasaare Rooble oo ay ugu sheegayeen in caqabado adag ka hortaagan cadaalad u helida gabadheeda.

Maamo Qaali ayaa amaan iyo duco isugu dartay Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ay sheegtay inuu marwaliba juhdi ku bixin haayo sidii ay cadaalada u heli laheyd gabadheeda Ikraan oo ay sheegtay inuu hortaagan yahay madaxweyne Farmaajo, waxaana xusid mudan in kiiskan uu sababay khilaafkii ugu darnaa ee soo kala dhexgala Farmaajo iyo Rooble.


   
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/10/2021 6:43 PM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Khatarta sii kordhaysa ee caabuqa Covid19 darteed, xukuumada Somaliland ayaa bulshada ku amartay in ay xidhaan afsaab, kala fogaadaan, isticmaalaan jeermis dilayaasha, qaataan tallaalka, isla markaana, anay ka qayb gali karin aaska (duugta) qof u dhintay caabuqa.

10/10/2021 1:32 PM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo shir jiraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa ka digay colaad aan la mahadin doonin oo uu tilmaamay inuu Galmudug ka abaabulayo madaxweyne Qoor-qoor.

10/10/2021 1:24 PM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur, ayaa ku amray dadka aan Somaliland u dhalan ee ku dhaqan gobolka Sanaag, in ay gobolka kaga baxaan mudo 14 cisho ah.

10/10/2021 8:28 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baledweyne soo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Mowliid Mataan, kuwaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

10/10/2021 7:29 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Wafdi uu hogaaminaayo Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holand.

10/10/2021 2:37 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Burcad hubeysan oo Koofur Afrikaan ah ayaa xalay magaalada East London ee dalkaasi Koofur Afrika waxay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa waxgaradka sida weyn uga dhex muuqday Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi.

10/10/2021 2:05 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in uusan wax gorgortan ka galeynin kiiska Ikraan ayna ka go'an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin uun ha dhawaato ama ha dheeraato.

10/10/2021 1:45 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo katirsan barlamaanka dowladda federalka Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday, ayaa ku eedeysay hay’adda NISA in ay baabi’isay dhammaan caddeymihii suurtoo galin lahaa in wax laga ogaado cidda ku lug lahayd kiiska Ikraan Tahliil.

10/10/2021 1:32 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Dawlad Degaanka loogu magac daray Dawlad Degaanka Koonfur Galbeed Itoobiya ayaa la filayaa in dhawaan lagaga dhawaaqo Itoobiya.