4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 1 , 2021
Madaxweyne Qoor-qoor iyo Sanataro katirsan Galmudug oo si degdeg ah ku gaaray Dhuusomareeb
 

Jimco, October, 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-qoor iyo Sanataro katirsan Galmdug oo Muqdisho kasoo duulay, ayaa si degdeg ah ku gaaray magaalada Dhuuso-mareeb ee caasimadda Galmudug.

Safarkooda ayaa kusoo aaday saacaddo kadib markii Ahlusunna ay la wareegeen degmada Guriceel, isla markaana uu gobolku ka socdo dhaqdhaqaaqyo ciiddan oo iskasoo horjeeda.

Madaxweynaha Galmudug waxa uu Muqdisho kala yimid ciiddamo aad u hubaysan oo katirsan ciiddamada Gorgor, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweyne Qoor-qoor ayaa Muqdisho ku maqnaa muddooyinkii ugu dambeysay, isagoo waday dadaalo xal loogu helayo khilaafka siyaasadeed ee madaxda dowladda federalka.

Hase, yeeshee wuxuu haatan wajahayaa caqabad weyn oo dhinaca Ahlusunna kaga imaanaysa, xilli uu dalku jiro arrimo doorasho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online