4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 5 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo si adag uga jawaabtay muuqaallo Alshabaab ku baahinayeen afkaartooda oo internetka lagu faafiyay
 

Jimco, November 5, 2021 (HOL) - Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay barnaamijyo taxane ah oo Alshabaab ku baahiyaan afkaartooda kuna gaalaysiiyeen dowladda Somaaliya.

War-saxaafaddeed kasoo baxay wasaaradda aw-qaafta ayaa lagu sheegay in muuqaallada Alshabaab baahinayso ay cudur daar ugu raadinayso fikradaheeda qaldan ee kasoo horjeeda diinta.

Wasaaraddu waxay ku baaqday in ay shirweyne isugu yimaadaan culimada Soomaaliyeed, si ummadda loogu bayaamiyo in aanay waxba ka jirin daliilaha diimeed ee Alshabaab kusoo gudbiyeen barnaamij muuqaal ah oo loogu magac-daray ‘Saa’a maa yaxkamuum”


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online