4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 5 , 2021
Kooxda TPLF oo sheegtay in haddii loo baahdo ay galayaan Addis Ababa
 

Jimco, November 5, 2021 (HOL) - Afhayeenka kooxda TPLF, Getachew Reda oo waraysi siiyay idaacadda BBCda ayaa sheegay in dano gaar aysan ka lahayn galitaanka Addis Ababa, isla markaana aysan ku jirin damaca ah inay xukunka la wareegaan, balse ay u dan leeyihiin oo kaliya inay ka hortagaan khatar kasta oo shacabka Tigray kaga imaan karta dhanka dowladda, wuxuuna xusay Afhayeenku in haddii hadafkoodaas ay ku gaarayaan galitaanka Addis Ababa inay galayaan, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenka TPLF.

Kooxda TPLF oo kaashanaya Jabhadda OLF ayaa maalmahan ku sugan meelo u dhaw caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, iyagoo horey ula wareegay magaalooyin kamid ah degaanka Axmaarada, halkaas oo shacab badani ka kasoo barakaceen.

Dhanka kale dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay sii wadayso dagaalka ay kula jirto kooxda TPLF, iyadoo duqaymo dhanka cirka ah ka fulisay maalmihii u dambeeyay goobo ay ku sheegtay inay ku sugan yihiin kooxda TPLF. iyadoo geesta kalena ka wada  abaabul ballaaran oo ka dhan ah TPLF, kaas oo ka socda meelo badan oo kamid ah dalka Itoobiya.

Isu soo duuboo, dagaalkan ayaad moodaa mid xadhkaga goostay, oo dhaafay halkii uu dhinac walba islahaa wuu kusoo dhammaan, dowladda Itoobiya ayaa ku adkaysanaysaa inay dalka ka difaacdo kooxda TPLF oo ay ku tilmaantay cadaw raba inuu dalka burburiyo, halka TPLF ay sheeganayso inay rabto inay wiiqaan awoodda dowladda, oo ay ku tilmaameen mid khatar ku ah shacabka Tigray.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]