4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 5 , 2021
Xildhibaan Sakariye Xaaji: Dowladda maxkamad ayaan horgaynayaa haddii xoog lagusii haysto dayuuradahayga
 

Jimco, November 5, 2021 (HOL) - Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo katirsan barlamaankii hore, ayaa sheegay inuu furanyo dacwad ka dhan ah dowladda, isagoo sheegay in si xoog ah loogala wareegay lix dayuuraddood oo Drones ah oo uu Muqdisho kalasoo dagay.

Xildhibaan Sakariye ayaa sheegay in diyaaraddahan loogu talo galay buufinta cayayaanka beeraha iyo sahminta dhulka, balse wuxuu tilmaamay in laga dhigay in ay yihiin dayuurado basaas ah oo amniga qatar ku ah.

“Maxkmad ayaan dowladda geynayaa haddii aysan isiinin waxayga, haddii kale ha iga iibsato dhammaantood, waayo qarash badan ayaa iga galay, waxaana ugu talo galay in dalka loogu shaqeeyo,” ayuu yiri xildhibaanku.

Wuxuu sheegay inuu u tagay madaxweyne Farmaajo uuna kala hadlay in lagusoo wareejiyo qalabka dowladdu ka haysato, wuxuuna sheegay in madaxweynhuhu ku yiri, “Maraykanka ayaa daba joogta qalabkan, lama bixin karo."

“Madaxweynaha markaan u tagay wuxuu igu yiri “Maraykanbaa meesha soo galay waxaas lama bixin karo. Waxaan ku iri, “ madaxweyne, dalka ma adigaa xukuma, mise Maraykan?, ayuu yiri xildhibaan Sakariye.

Wuxuu sheegay xildhibaanku ujeedada loo qaatay qalabkiisa in ay tahay in dambi been ah loo sameeyo, oo sumcadiisa dhibaato loo geysto, si looga reebo tartanka doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online