4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 3 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal goordhaw ka dhacay degmada Baraawe
 

Arbaco, November 3, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay goordhaw ku dagaalameen ciidamo ka tirsan maamulka degmada iyo Maleeshoyo beeleed hubeysan.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay gudaha degmada Baraawe, gaar ahaan agagaarka hoyga guddoomiyaha degmada Baraawe Cumar Sheekh Cabdi iyo Hotelka lagu magacaabo Nadiir oo Maanta ay ka socotay doorashada xubno ka mid ah Golaha degaanka Baraawe.

Dagaalka maanta dhexmaray Maleeshiyaadka hubeysan iyo ciidamada amniga degmada Baraawe ayaa la sheegay inuu salka ku haayo tabasho ay Maleeshiyada ka qabaan habka doorashada Golaha deegaanka iyo waliba nin ka tirsana Maleeshiyada oo ku dhintay dagaal bil ka hor ka dhacay degmada.

Majirto wax khasaare nafeed oo ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay degmada Baraawe sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan kusoo dhacaya warqabadka HOL ayaa sheegaya in xaalada degmada ay haatan tahay mid degan maadama uu is taagay dagaalkii, waxaana lasoo warinaya in wali labada ciidan ee dagaalamay aysan kala fogeen oo difaacyo ay ku kala jiraan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku saabsan dagaalka maanta ma dhacay degmada Baraawe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]