4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 3 , 2021
Siyaasi Cabdi Cali Raage oo sheegay in wakiilkiisii olalaha doorashada lagasoo musaafurinayo Kismaayo
 

Arbaco, November 3, 2021 (HOL) - Siyaasi Cabdi Cali Raage oo kamid ah la taliyayaasha madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in magaalada Kismaayo lagasoo musaafuriyo wakiilkiisii ololaha doorashada aqalka hoose.

Raage ayaa qoraal uu soo dhigay facebook-giisa ku sheegay, in wakiilkiisu uu xalay ku baryey xabsiga Kismaayo. Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay  in qof aan danbi galin gurigiisa laga tarxiilo oo lagu bartilmaameedsado cidda uu taageersanyahay siyaasad'ahaan

“Tani waa markhati kac muujinaysa in aysan marnaba suuro gal noqon doonin in Kismaayo ka dhacdo doorasho caddaalad ah oo loo simanyahay,” ayuu ku yiri qoraalka uu dhigay Facebook.

Wuxuu ugu baaqay jubbaland in ay ka laabato go’aanka lagu musaafurinayo wakiilkiisa doorashada, isagoo sheegay in ay gef tahay in qof muwaadin ah gurigiisa iyo caruurtiisa laga go'doomiyo.

“In qofka gurigiisa laga tarxiilo waa dhaqan iyo ficil haraadi ah oo aan loo baahnayan in ay cidina u bareerto oo gaf intaas la eg u gaysato xaquuqda qof muwaadin ah,” ayuu hadalkiisa ku daray.”

Raage oo kamid ah saaxiibada dhow ee madaxweyne Farmaajo, ayaa kamid ah musharraxiinta aqalka hoose. Kursigiisa ayaa wuxuu  yaallaa magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Raage oo horey la taliye ugu soo noqday madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa bishii july ee sannadkan Kismaayo laga celiyay diyaarad uu saarnaa, isagoo ku eedeeyay madaxweyne Axmed Madoobe inuu doonayo inuu ka reebo tartanka doorashada. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online