4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 3 , 2021
Xubno ka tirsan Midowga Musharxiinta oo Warsaxafadeed kasoo saaray doorashooyinka Aqalka Hoose
 

Arbaco, November 3, 2021 (HOL) - Xubnahaan ka tirsan Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee Warsaxafadeedka wadajirka ah soo saaray ayaa kala ah Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Midqaran iyo Dr. Cabdinaasir Cabdulle oo isna ah hoggaamiyaha Xisbiga Gurmad.

Labadaan Musharax ayaa Warsaxafadeedka ay soo saareen waxay si weyn ugu dhaliileen hanaanka ay ku bilaabatay doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay sheegeen iney tahay mid xulasho ah oo aanan doorasho lagu tilmaami karin.

"Ergada lasoo xulay ee wax dooraneysay waxay ahayeen xoogaga wadaniyiinta ee taageera madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxayna doorteen laba ka mid ah taageerayaashiisa  si ay gogol xaar ugu noqdaan iney soo saaraan taageerayaal kale" ayaa lagu yiri warsaxafadeedka kasoo baxay labada Musharax ee xisbiyada Midqaran iyo Gurmad.

Waxay sidoo kale tilmaameen Musharaxiinta kala ah Dr. Cabdinuur Maxamed iyo Dr. Cabdinasir Cabdulle in raysal wasaaraha Soomaaliya oo loo xushay daadihinta doorasho hufan oo xor iyo xalaal ah inuu ka baxay doorkiisii dhexdhexaadnimo.

Hoggaamiyaasha Xisbiyqda Midqaran iyo Gurmad ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada dalka iney soo farageliyaan hanaanka doorashooyinka dalka oo ay sheegeen in laga weeciyay sidii ay horay iskula meel dhigeen raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, islamarkaana aanan la tixraacin habraacyadii ay sida wadajirka ah uga soo saareen arrimaha doorashooyinka.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Musharaxiintan oo dhameystiran:-




Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]