4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 3 , 2021
Wasiir Dubbe : War niman yahow doorashada halaga daayo malxiiska niqaaban
 

Arbaco, November 3, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Senator Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa guddiga doorashada ugu baaqay in wax laga qabto musharraxiinta la imaanaya wuxuu ugu yeeray malxiiska doorashada.

Senotor Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlayay kulan Muqdisho ka dhacay, ayaa sheegay in doorashada oo si qurux badan u dhacda ay muhiim u tahay sharafta dalka, horumarka iyo  nabad galyada.

“Waxaan leeyahay war niman yahow doorashada halaga daayo malxiiska, haddaanan malxiiska laga deynayn, war niman yahow halaga daayo malxiiska niqaaban,” ayuu yiri Cismaan Dubbe.

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa kusoo aadaya, iyadoo inta badan musharraxiinta kusoo baxay kuraasta aqalka sare ay kusoo baxeen doorasho qofkii la tartami lahaa uu musharraxu isagu la yimid.

Doorashooyinka nuucaan ah ayaa ku badnaa dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, halkaas oo inta badan ay musharraxiinta ku yimaadeen iyagoo loo tanaasulay ama la yimid musharrax loogu yeeray malxiis.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online