4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2021
Sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta Baydhabo lagu Doortay


Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Iyadoo maanta qorshuhu ahaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu qabto doorashada afar kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka, ayaa waxaa dib loo dhigay kursi ka mid ahaa afarta kursi ay horay u shaaciyeen guddiga hirgelinta dooraashada maamulka Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ilaa sadax kursi ayaa maanta lagu doortay, waxaana kursiga koowaad ee tirsigiisu ahaa HOP 180, ku guuleystay Saadaad Maxamed Nuur Caliyow oo heley Codad gaaraya 87 Cod, halka Musharaxii la tartamay ee Maxamed Axmed Maxamed uu heley codad dhan 9 Cod, waxaana halaabay 4 Cod.

Kursiga labaad ee doorashadii maanta ka dhacday Baydhabo waxaa kusoo baxday Aamina Maxamed Mursal kaasoo tirsigiisu ahaa HOP 213, waxayna heshay Codad gaaraya 79 Cod, halka Musharaxii la tartameeysay oo aheyd Aamina Xuseen ay heshay codad dhan 12 cod, waxaana halaabay 6 Cod.

Kursiga Sadexaad oo tirada guud ee Xildhibaanada lagu doortay Baydhabo ka dhigay 10 Xildhibaan waxaa ku guuleystay Sareeda Maxamed Cabdalla oo afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhisay kursiga maanta markale loo doortay ee  HOP 154, waxayna ay heshay Codad dhan 89 cod, halka musharaxii la tartamaysay ee  Fardowsa Ibraahim Cabdi ay heshay 8 cod, waxaana halaabay 4 cod.

Kursiga afaraad ee maanta lagu waday in la doorto ayaa ahaa kursiga tirsigiisu yahay HOP 193, kaasoo uu ka geeriyooday alle ha u naxariistee Maxamuud Maxamed Bono.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]