4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2021
Shirkii Jimciyadda Islaamica Waqooyiga Ameerika oo shalay Minnesota ku soo gabagaboobay , VIDEO & SAWIRO

Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Shalay Axadii waxaa  magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota lagu soo gabgabeeyey shirkii Jimciyadda Islaamiga ee Waqooyiga America, Islamic Association of North Ameica (IANA). Shirkan ayaa si rasmi ah uga socday magaaladda mudo sadax cisho ah, Shirkan oo ah shir sannadkiiba mar la qabto ayaa sanadkii hore u baaqday xanuunka covid 19 awgiis, shirkiin waa kii 20aad ee la qabto.

Waxaana jimciyadaan la aasaasay sandkii 2001,IANA waxaa ku midaysan ilaa 36 Masaajid ee ku yaal gobolo kala duwan oo ku yaal dalkaan Maraykanka.

Sanadkaan waxaa ka soo qayb galay Imaamyada 36 Masjid iyo in ka badan 120 Culimo ah oo ka kala socda gobolada kala duwan ee dalka Mareykanka, waxayna uga wada hadlayeen horemarinta adeegyada dacwada, sidii loo horemarin lahaa mashaariicda masaajida loona wacyigalin lahaa dadka Muslimiinta ah ee ku nool W/ America.

Sheekh Yuusuf Cabdi Cabdulle  oo ah agaasimaha fulinta Jimciyadda Islaamica ee (IANA) ayaa HOL u sheegayin shirkaan looga dooday arrimo badan oo ku saabsan maslaxada bulshadda, qoysaska iyo dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Waqooyiga Maraykanka”.

Sidoo kale waxaa sannadkan shirka ka soo qaygalay marti sharaf kale oo ay kamid yihiin Hayadaha Samafalka HARO & SAMARAADO,oo iyagu diyaar ah inay qayb ka noqdaan samafaladda Abaaraha ka jira Soomaaliya oo aad looga hadlay shirkaan,waxaa shirka aan ka maqneen oo wax ka dhagysanaayey dhallinyarada iyo qeybo kalo oo kamid ah bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

Gabagabadii shirka shalay ayaa sanadkaan waxaa lagu doortay gudiga fulinta ee Jamciyadda sii wadi doon labada sano ee socda,waxaana sanadkaan markii labaad dib loogu doortay Sh Maxamed Mursal oo isagu hore xilkaan u haayey.

Gabagabadii shirkaan shalay ayaa shalay laga aqriyey bayaan ay si wadajira culumadu uga hadleen xaaladaha Siyaasada Soomaaliya,Abaaraha ka jira Dhulalka ay Soomaalidu dagto sidii gacan looga gaysan lahaa caawinteeda,Arimaha Dhalinyaradda ayaa ka qayb ahaa bayaanka sidii wax looga qaban lahaa.

HALKAN KA DAAWO BAYAANKA IANA SOO SAARTAY


Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis MN