4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2021
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay oo safar ugu ambo baxay dalka Qatar
 

Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu marti qaad ka helay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayna kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal.

“Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxda dalalka Carabta, si loo xoojiyo iskaashiga dhanka horumarinta ciyaaraha iyo is-dhexgalka dhallinyarada Shucuubta Dalalka Carabta, ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doono hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya Munaasabadda furitaanka tartanka cayaaraha.

Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka arrimaha Dibadda, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online