4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2021
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu dooranayo magaalada Baydhabo
 

Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in markale lagu qabto magaalada Baydhabo afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Afarta kursi ee maanta doorashadoodu ka dhaceyso magaalada ayaa kala ah HOP 154, HOP 213, HOP 180, iyo HOP 193, waxaana kuraastaasi doorashadooda ay bilaaban doonta saacado kooban kadib.

Magaalada Baydhabo waxaa shalay lagu doortay afar Xildhibaan oo ka mid ah Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed, waxaana afarta maanta ay u dambeeyaan 11 kursi oo ay horay u shaaciyeen qabashadeeda guddiga doorashada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Kuraasta Golaha Shacabka ee  doorashooyinkooda ay ka dhaceen deegaanada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa noqday kuwa ay dib uga soo laabteen cabashooyin farabadan, waxaana xusid mudan in kuraastii shalay Baydhabo lagu doortay inuu ka mid ahaa kursi loo diiday inuu u tartamo guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]