4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 28, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay waftigii uu hogaaminayay madaxweyne Mustafe Cagjar
 

Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, oo Hargaysa ku kulmay ayaa kawada hadlay, arrimaha ganacsiga iyo sidii looga wada shaqayn lahaa amniga labada dhinac.

"Booqashada madaxweyne Mustafe waxay daaranayd, amniga iyo ganacsiga, dhinaca ganacsiga horay ayay xukuumada Somaliland noogala shaqaysay ilaalinta sixirka lacagta Itoobiya, dhinaca kale isticamaalka Dekedda Berbera iyo in laga sii wada hadlo shuruucda lagu dhaqayo Berbera Corridor, markaa guud haan labada qodoba is faham wanaagsan ayaa laga yeeshay" sida waxa yidhi afhayeen u hadlay waftiga madaxweyne Mustafe.

Madaxweynaha Somaliland ayaa isaguna qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, madaxweyne Mustafe uga mahadceliyay booqashadiisa, isagoo sheegay in labada shacab ay yihiin dad walaalo ah.

"Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, Dawlad-deegaanka Soomaalida iyo shacabka aan walaalaha nahay waxa aan uga mahadcelinayaa xoojinta iskaashiga iyo wadajirka labada shacab ee Somaliland iyo Dawlad Deegaanka ee walaalaha ah. Waxa aan u rajaynayaa labada shacab ee walaalaha ah horumar iyo iskaashi intan ka ballaadhan" ayuu yidhi Biixi.

Safarka madaxweyne Mustafe, ayaa kusoo beegmaya xili dagaalo ba'ani ka socdaan qaybo kamid ah dalka Itoobiya, waxayna u badantahay in kulanka layskula soo qaaday inkasta oo aan warbaahinta lala wadaagin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]