4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 27, 2021
Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo ka hor yimid go'aan lagu hakiyay kursi guddoomiye Jawaari uu dacwad ka gudbiyay
 

Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee koonfur galbeed ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aan kasoo baxay guddiga heer federalka ee doorashooyinka, go’aankaas oo ahaa in la hakiyo doorashada kursiga 103 ee uu guddoomiye Jawaari dacwad kasoo gudbiyay.

Guddiga doorashada koonfur galbeed waxay si cad u sheegeen in doorashada kursigaas ay berrito ka dhacayso magaalada Baydhabo isla markaana aysan jirin cid loo joojinayo ama sharciyad u leh in ay hakiso.

Guddigaan waxay sheegeen in Jawaari uu tartanka uga haray muran beeshiisa ka dhex taagan iyo inuusan guddiga doorashada u keenin dukumenti dhameystiran oo lagu siin karay shahaadada musharraxnimo.

Guddoomiyaha guddiga doorashada koonfur galbeed, Yuusuf Cabduqaadir Maxamed Baafo ayaa sheegay in aanay jirin wax dacwad ah oo Jawaari uu usoo gudbiyay guddigooda si loo xalliyo. Wuxuu sheegay inay ka war heleen isagoo saxaafadda kasoo eedeeynaya gudigooda.

“Dalka doorashuu ku jiraa, annagu uma istaagayno qof beeshiisa ay is haystaan. Berritana kursiga uu yiri guddoomiye Cirro hala joojiyo, waxaan u aragnaa in aysan sharci ahayn, doorashadiisana waan qabanaynaa,” ayuu yiri guddoomiye Baafo.

Jawaari oo muddo 8 sano kamid ahaa barlamaanka Soomaaliya ayay markaan u muuqataa inuu waayidoono kursigiisa, waxaana uu kamid noqonayaa siyaasiyiin muddo dheer barlamaanka kamid ahaa oo sannadkaan doorashada uga haraya loolanka siyaasadeed ee socda. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online