4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 27, 2021
Dowladda Soomaaliya oo dhaqaale hal malyan oo dollar ah ku bixinaysa gurmadka abaaraha
 

Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyay shirka guddiga gurmadka abaaraha ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay hal Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha.

Lacagtan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in guddiga gurmadka abaaruhu ku bixin doonaan si ay caawimaada ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan dadaal kasta oo gurmad lagu gaarsiinayo meelaha si daran u saameysay abaartu.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in la dhaqan galiyay in 20% golaha wasiiradda Soomaaliya laga jaro mushaarkooda bil walba, si loogu kaabo gurmadka abaaraha.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in loo istaago gacan qabashada walaalaha la tabaalaysan abaarta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online