3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 27, 2021
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Somaliland safar ku yimid
 

Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo wafti uu hogaaminayo, oo safar dhinaca dhulka ah Somaliland kusoo gaadhay, ayaa sheegay in uu u socda sidii Somaliland iyo deegaankiisu iskaga kaashan lahaayeen ka gudbista dhibaatooyinka ka jira Geeska Afrika ka jira.

"Waxaanu u soconaa in aanu masuuliyiinta iyo madaxda Somaliland kala hadalo arrimo la xidhiidha iskaashiga guud, sida dhaqaalaha, isdhexgalka bulshada, tan iyo markii uu isbadalku deegaanka ka dhacay, iyadoo dadku ay horayba walaalo u ahaayeen hadana is badal balaadhan ayaa ka jira dhinaca is dhexgalka" ayuu yidhi Cagjar.

"Somaliland oo ah dad aanu walaalo nahay, dowlad aanu jecelnahay, in xaaladaha geeska ee soo kordhay aanay samayn xun nagu yeelan, dhinaca amnigana sidii loosii adkayn lahaa ayaanu u soconaa".

Madaxweyne Cagjar ayaa sheegay in uu saxaafada la wadaagi doono waxa ay isla meel dhigaan madaxda Somaliland kadib markay kulamo qaataan.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa magaalo xuduudeeda Tog-wajaale kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo saraakiil kale oo xukuumada Somaliland ka tirsan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/27/2021 3:54 PM EST
Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee koonfur galbeed ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aan kasoo baxay guddiga heer federalka ee doorashooyinka, go’aankaas oo ahaa in la hakiyo doorashada kursiga 103 ee uu guddoomiye Jawaari dacwad kasoo gudbiyay.

11/27/2021 3:09 PM EST
Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyay shirka guddiga gurmadka abaaraha ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay hal Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha.

11/27/2021 9:36 AM EST
Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ee maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maanta waxaa lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, waxaana Baydhabo lagu doortay ilaa sadax kursi halka Dhuusamareeb lagu doortay hal kursi.

11/27/2021 9:04 AM EST
Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.

11/27/2021 5:58 AM EST
Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Guddiga hirgalinta doorashada heer federal ayaa hakiyay doorashada kursiga tirsigiisu yahay 103, kursigaas oo la sheegay in laga reebay tartankiisa guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.

11/27/2021 5:36 AM EST
Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Isimada dhaqanka ee Puntland ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Bosaso waxay ku baaqeen in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhashay xil ka qaadista lagu sameeyay agasimaha taliska ciiddanka PSF.

11/27/2021 3:47 AM EST
Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Taliska ciiddanka PSF oo soo saaray qoraal kooban ayaa sheegay in aysan wax amar ka qaadan doonin kuwa ay sheegeen in ay cadowga la shaqeynayeen, iyaguna ay ka difaacayeen.

11/27/2021 12:36 AM EST
Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in doorashada afar kursi oo ka mid kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya lagu kala doorto magaalooyonka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ee maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

11/27/2021 12:33 AM EST
Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Saraakiil katirsan ciiddanka amniga Puntand ee loo yaqaan PSF (Puntland Security forces), ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu wado qorshe siyaasadeed oo lagu burburinayo ciiddankooda.

11/27/2021 12:30 AM EST
Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ku tilmaamay sharciga Soomaaliya ee saxaafadda mid xadidaya madax bannaanida warbaahinta, isla markaana horseedaya in la dhibaateeyo saxafiyiinta Soomaaliyeed.

11/27/2021 12:24 AM EST
Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro dadka Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha.