4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 27, 2021
Madaxweyne Deni oo lagu eedeeyay inuu dano siyaasadeed awgeed u burburinayo ciiddanka PSF
 

Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Saraakiil katirsan ciiddanka amniga Puntand ee loo yaqaan PSF  (Puntland Security forces), ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu wado qorshe siyaasadeed oo lagu burburinayo ciiddankooda.

Saraakiisha PSF oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Bosaso, waxay sheegeen ujeeddada ka dambeysa in madaxtooyada Puntland faraha lasoo gasho arrimahooda ay tahay, kadib markii agaasimihii hore ee PSF, Gen, Asad Cismaan Diyaano oo ku biiray arrimaha siyaasada.

Saraakiishu waxay tilmaameen in ay furimaha dagaalka uga soo baxeen kadib markii ciiddamo badan oo lagu soo daad gureeyay magaalada Boosaaso ay jidgooyooyin dhigteen waddooyinkii ciiddankoodu ay mari jireen, taasoo ay sheegeen in ay u muuqato cunaqabatayn lagusoo rogay.

Dowladda Maraykanka oo taageeri jirtay ciiddankan, ayaa muddo ka badan hal sano hakisay taageeradii ay siin jirtay, marka laga reebo mushaarka. Maraykanku wuxuu sidoo kale la baxay ciiddankii ay wada shaqayn jireen ciidamada PSF.

Madaxweynaha Puntland oo agaasime cusub u magacaabay hay’adda PSF, ayaa wasiirkiisa amniga iyo taliyaha ciiddanka Daraawiishta ku amray in ay xilka ukala wareejiyaan labada agaasime.

Balse, labada masuul ayaa sheegay in loo diiday in ay la kulmaan madaxda ciiddanka, waxayna sheegeen in ay magaalada Bosaso ka socoto abaabul ciiddan oo loogasoo horjeedo isbedelka cusub ee uu madaxweyne Deni ku sameeyay taliska PSF.



Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online