4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 26, 2021
Itoobiya : Maqalle oo maanta ay ka dhaceen duqaymo dhanka cirka ah
 

Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa maanta duqaymo dhanka cirka ah waxay ka gaysteen magaalada Maqale ee caasimadda degaanka Tigray, sida ilo xogagaal ahi sheegayaan.

Duqayntan oo ay fulinayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones ka ah, ayaa waxay duqeeyeen guryo la sheegay in xilliga duqayntu dhacaysay laga maqnaa, burburka guryaha soo gaaray kasokowna lama soo sheegin khasaare nafeed.

Afhayeenka TPLF Getachow Reda ayaa inta badan dowladda Itoobiya ku eedeeya inay duqayso xaafado ay deggan yihiin dad shacab ah oon waxba galabsan, halka dowladduna ay sheegto in duqaymuhu ay ku dhacaan goobihii loogu talagalay, ee xarunta u ah kooxda TPLF, iyadoo Sabtidii iyo Axaddii hore ay sidan oo kale duqayntu uga dhacday magaalada Maqalle.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo ku saabsan duqayntan maanta ka dhacday magaalada Maqalle.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]