4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 26, 2021
Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed "Cadowgu awood u malaha inuu ciidanka iska celiyo"
 

Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed oo markii u horeysay kasoo muuqday Warbaahinta, tan iyo markii u go'aansaday inuu tago furimaha hore ee dagaalka, ayaa ka warbixiyay wakhti xaadirkan halka uu xaalku marayo.

Abiyi Axmed waxa uu sheegay in guulo waawayn gaareen ciidamada qaranka Itoobiya, isla markaana la wareegeen goobo markii hore ay ku sugnaayeen kooxda TPLF, sida Kasagita. Waxa kale oo uu sheegay inay la wareegi doonaan magaalooyin muhiim ah sida Jifra iyo Burqa oo ka tirsan degaanka Canfarta.

Waxa kale oo uu sheegay Ra'iisal wasaaruhu in maalmihii u dambeeyay ciidanka qaranka Itoobiya guulo la  taaban karo gaareen, isla markaana halganku uu sii soconayo ilaa kooxda TPLF laga saarayo dhulka ay haystaan, waa siduu hadalka u dhigay Ra'iisal wasaaruhu.

Abiyi Axmed ayaa Talaadadii hore waxa uu ballan qaaday inuu iska xaadirin doono furimaha dagaalladu ka socdaan, isagoo maanta markii u horeysay kasoo muuqday Warbaahinta Degaanka Oromiya ee OBN, isagoo xiran dirayska ciidanka milatariga Itoobiya.

Dagaallada ayaa wali halkoodii kasii socda, iyadoo ay adag tahay in la helo xogo ka madax banaan qaybaha uu dagaalku ka dhaxeeyo, iyadoo dowladduna ay digniin siisay warbaahintii ka waranta furimaha dagaalladu ka socdaan, marka laga reebo warbaahinada ay dowladdu maamusho, oo iyaga un loo oggolaaday inay ka waramaan hadba xaaladda uu marayo dagaalku.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]