4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 26, 2021
Wasiirka Amniga Puntland oo sheegay inuu Boosaaso u tagay dhaqan galinta wareegtadii xilka looga qaaday Taliyahii Ciidanka PSF-ta Puntland
 

Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Amniga maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Galan oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay iney ka go'an tahay dhaqan galinta wareegtadii uu madaxweynaha Puntland xilka kaga qaaday taliyahii ciidanka PSF.

Wasiir Galan ayaa ugu baaqay Agaasimahii hore ee hay'adda PSF ineysan dhalinyaronimo qaadin, islamarkaana xilka laga qaaday uu si sharaf leh ku wareejiyo.

"Puntland waxaa ka jira nidaam qaan gaar ah oo hana qaaday qof iyo laba iyo sadax midna ma qalqal galinkaraan cid walba oo ka hor timaadana nidaamka dowladninada maamulka iyo shacabkaba meel ayay uga soo wada jeesanayaan"ayuu yiri Wasiir Galan.

Wasiir Galan ayaa sidoo kale faray ciidamada PSF qeybahooda ka duwan ee ku sugan magaalada Boosaaso iney si deg deg ah ugu laabtaan xeryahooda ayna maanta waxii ka dambeeya qaataan amarka taliyaha cusub ee uu madaxweyne Dani u magacaabay ciidanka PSF.

Hadalka wasiirka Amniga Puntland ayaa imaanaya xili dhawaan Agaasimahii ciidanka PSF-ta Puntland Maxamuud Cismaan Diyaano uu xilka ka qaaday madaxweynaha Puntland, kaasoo ka horyimid xilka qaadista lagu sameeyay, kuna tilmaamay mid sharci darro ah.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]