4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 26, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose
 

Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanada Yoontoow iyo Cabadalla Bitoole oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhigyada ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanada Yoontoow iyo Cabdalla Bitoole, waxaana dadka deegaanadaasi ay warbaahinta u sheegeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanada Yoontoow iyo Cabdalle Bitoole ee gobolka Jubbada Hoose ee u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidanka Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland oo ka hadlay dagaalka waxay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla mar ahaantaana ay u geysteen khasaare xoogan.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa inta badan weeraro joogto ah ku qaada Saldhigyada ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]